Xiisada dowladda Abiy Axmed iyo maamulka Tigreyga oo kasii dartey

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Xiisada dowladda federaalka ah ee Itoobiya iyo ismaamulka waqoyga ku yaala ee Tigreeyga ayaa sii xumaaneysa xilli madaxweynaha gobolkaas, Debretsion Gebremichael, uu eedeeyay xukuumadda Abiy Axmed.

Gebremichael ayaa sheegay in xukuumadda Abiy ay maleegeyso sidii ay ula wareegi lahaa ololaha iska-caabinta duulaanka Ayaxa.

Eedeyntaan ayaa imaaneysa markii dowladda federaalka lagu waramay in ay la wareegtay diyaaradihii Drones-ka ee gobolkaas lagula dagaalami lahaa Ayaxa isla markaana yaala madaarka diyaaradaha Addis Ababa Bole.

Ayaxa oo saameeyay wax soo saarka kumanaan beero gobolada Soomaalida, Amxaarada, Oromada, Cafarta iyo Tigreeyga ayaa khatar geliyey dhaqaalaha iyo cunada qaar kamid ah dowlad goboleedyadda waqoyga dhaca.

Gobolka Tigreeyga wuxuu sheegay in diyaaradaha Drones-ka loo diidey, balse waxaa sheegashadaas gaashaanka ku dhufatay xukuumadda Dr Abiy Axmed.

Isagoo ka hadlayey munaasabad tababar loogu soo xirayey ciidamadda gaarka cirka ee gobolkiisa, Gebremichael ayaa xusay in maamulka Abiy uu doonayo in uu gaajo u horseedo maadaama iska caabinta Ayaxa uu curyaamiyey.

Qalin-jabiyeyaasha ayuu ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii ay uga hortagi lahaayeen halisaha kaga imaanaya dibadda iyo gudaha isla markaana uu u sareyn lahaa dastuurka iyo ku dhaqanka shuruucda kale ee waddanka u taala.

"Cadowga gudaha iyo dibadda leh ayaa kusoo biiray ciidamada si ay u macno tiraan dadka Tigreeyga. Xoogagaas waxay maleegayaan sidii ay ugu awood sheegan lahaayeen dadkeena," ayuu yiri intii ay munaasabadda socotay.

Tigreeyga iyo dowladda Abiy Axmed ayaa isku seegay doorashooyinkii baarlamaanka ee lagu wadday in ay qabsoomaan bisha August, taasoo guddiga coddeynta maamulaya soo jeediyay in loo baajiyo safmarka Covid-19 awadiis.

Hadalada xanafta lah ee warbaahinta isku marinayaan dhinacyadda ayaa xoojiyey cabsidda in Itoobiya ay kala go'do isla markaana Tigreeyga ku dhawaaqaan gooni u goosad, talaabadaas oo sare u kacdey markii ay qabsadeen doorasho u gaara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM