Xiisada Soomaaliya-Kenya: Wadahadal telefoon nabad ma dhalin karaa?

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweyneyaasha wadamada Soomaaliya iyo Kenya ayaa todobaadkii lasoo dhaafay yeeshay wadahadal dhanka telefoonka kadib markii dagaal uu ka dhacay xadka labada dal.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ayaa isla meeldhigay in la qaboojiyo xiisadda. Isku dhaca oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo Jubaland wuxuu sababay khasaaro.

Iska-hor-imaadka ayaa saameeyay degmada Mandera ee dalka Kenya, taasoo deris la ah Beledxaawo, oo ah meesha ay isku farasaareen Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Jubaland.

Su'aallo dhowr ah ayaa ka dhashay wadahadalka Farmaajo iyo Uhuru, kaasoo aysan wali ka hadlin xukuumadda fadhigeedu yahay Nairobi.

Dr Hassan Khannenje, agaasimaha Horn International Institute of Strategic Studies ee Nairobi, ayaa aaminsan in wadaxaajoodka labada hogaamiye uu hoos abuuri karo xasilooni.

"Balse qaboojintaas waxay noqon doonaa mid aan caga badan ku taagneyn, mana noqon doonto xalkii ugu dambeeyay, " ayuu u sheegay BBC-da, isagoo xusay baahida loo qabo dedaalo badan.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu tilmaamay in walaaca jira uu la xiriiro in aan wali xal loo helin dacwada badda ee hortaala Maxkamada Cadaalada Aduunka.

"Qalalaasaha caalamiga ah ee ka jira Soomaaliya waxaa kamid ah su'aasha Al-Shabaab, oo aan sidda ugu dhow lagu xalin karin," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay falanqeeyaha.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa hawada isu mariyey hadalo kulul isbuucyadii lasoo dhaafay, balse guddi ay Farmaajo iyo Uhuru u saaraan dejinta xiisada waxaa la filayaa in ay soo ajaraan kala taag-taaga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM