Xil ay Soomaaliya ka dooneysay ururka IGAD oo Itoobiya u gacangalay

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Itoobiya, Workeneh Gebeyehu, ayaa waxaa loo magacaabay Xoghayaha Fulinta ee urur goboleedka IGAD.

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa warqad ku taariikheysan 22-ka October 2019 wuxuu ku xushay Gebeyehu. Abiy haatan waa gudoomiyaha ururka.

Gebeyehu ayaa bishii Maaj ee sanadkan waxaa loo magacaabay Agaasimaha guud ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Nairobi ka gedaal markii xilka laga qaadey.

Jagada uu hantiyey Gebeyehu ayaa waxaa horey u codsatay Soomaaliya oo wadatay murashax ay rabtay in loogu magacaabo maadaama aysan horey u qaban.

Mr Workeneh, oo 51-sano jir PhD ah, ayaa waxaa uu xilkan hayn doonaa afarta sano ee soo aadan, iyada oo mushaharkiisa lagu jaan-goynayo khibradiisa.

Jabuuti ayaa sidoo kale dooneysa in ay hesho xilka gudoomiyaha, kaasoo haatan la rumeysan yahay in ay Kenya ugu cad-cadahay in loo caleemo saaro dhowaan.

Khilaaf hoose oo ka dhashay arrintan ayaa soo if-baxay dhowaan, taas oo keentay in ra'iisul wasaare Abiy Axmed uu socdaal ku tago Jabuuti si loo qaboojiyo xiisada.

Soomaaliya oo kamid ahayd dalalkii aas-aasey IGAD ayaa nan mar qura qaban xilalka ugu waaweyn urur goboleedkan, waxaana muuqatay in ay seegtay fursadaas.

Itoobiya iyo Kenya, dowlado xiriir qoto dheer uu ka dhaxeeyo oo wadaaga ood wadaag ah, ayaa sideedii sano ee lasoo dhaafay waxay qabanayeen labadan jago.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo qorsheynaya inuu ka qaado cunaqabataynta dalka Eritrea xilli ay taagan tahay xiisadda Badda Cas

Sannadkii 2021-kii, maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa cunaqabatayn baahsan saaray xisbiga talada haya ee Eritrea.

  • Afrika

    06-05-2026

  • 12:25PM

Muhaajiriinta Afrikaanka ah ee ku nool South Africa oo wajahaya cabsi iyo weerarro ajnabi-nacayb ah

Dawladda Nayjeeriya ayaa durba bilowday qorshe ay dib ugu celinayso muwaadiniinteeda doonaya inay dalka ka baxaan.

  • Afrika

    06-05-2026

  • 12:13PM