Xildhibaan uu ku dhacay Kansar oo ka warbixiyay xaaladiisa caafimaad

Image

NAIROBI, Kenya - Mudanahaan oo ka tirsan baarlamaanka wadanka Kenya ayaa laga helay xanuunkaan sanadkii hore ee 2018.

Darajo ahaan nooca xanuun ee haya Kenneth Okoth ayaa ah midka afaraad heerka lagu qiimeeyo Kansarka, walina lagama daaweyn.

Bishii Febraayo ayay ahayd markii ugu horeysay oo uu bulshadu u sharaxo xaaladiisa, isaga oo qiray in uu dareemayo walwal badan.

Talaadada maanta ah ayuu mar kale ka warbixiyay, wuxuuna sheegay in hoos u dhac wayn uu ku yimid jirkiisa.

"Waan la tacalayaa…waxaana qaadanayaan daawooyinka ku haboon si aan xanuunka uga taqaluso," ayuu raaciyay.

Xildhibaankaan ayaa daaweyn ka raadsaday dalalka Yurub, maadaama gudaha Kenya ay ku yar yihiin xarumaha lagu daaweeyo Kanksarka.

Okoth ayaa dhowr jeer ka dalbaday dowladda in ay tayeyso xarumaha lagu daaweey Kansarka si ay uga faa’ideystaan shacabka, balse wali ma aysan suurtagelin.

Kansarka ayaa lagu tilmaamayaa in uu yahay mid kamid ah cudurada dilaaga ee ugu halista badan, inkasta dadka qaar ay kaalinta koowaad geliyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM