Xildhibaan: Wiilkeyga kahor inta uusan is dilin fariintaan ayuu i soo diray

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Beatrice Kones, mudane ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa ka hadashay geerida wiilkeeda Collins Kipyegon Kalya oo is dilay, todobaadkii hore.

Xildhibaanka ayaa markii uu shilkaan dhacayay kaga qeybgaleysay shirka baarlamaanka Afrika wadanka Koonfur Afrika.

Ma cadda wali waxa Kipyegon, oo ahaa ubadka saddexaad Kones, ku dhaliyay inuu is dilo wallow warar is-khilaafsan ay kasoo baxayaan.

"Fariintii iigu dambeysay ee uu I soo diray wuxuu iigu sheegay in uu la hadlayo lamaantiisa, anna aan daryeelo ubadkiisa," ayay tiri.

Sidda ay ku sheegtay hadalkeeda, dhacdadaan aad ayay ula anfariirtay xildhibaanada, sababta oo ah ma jirin wax uu wiilkeedu tabayey.

"Kipyegon wuxuu ahaa wiilkeyga, darawalkeyga iyo lamaankeyga ganacsiga Beeraha. Kaliya siyaasiga qoyska ayuu ahaa," ayay raacisay.

Mrs. Kones oo sii hadlaysa ayaa tibaaxday in tirada sii kordheysa ee dhaliyarada is dilaysa marka loo eego gudaha dalkaasi Kenya ay walaac ku haysay.

Hadalkaan ayay ka sheegtay Xildhibaanadda munaasabada Aaska wiilkeeda, taasoo ay ka qeybgaleen madax dhowr ah.

Madaxda waxaa qeyb ka ahaa William Ruto, madaxwayne ku xigeenka Kenya, kaasoo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska.

"Marxuumka wuxuu rabay in uu wax ka bedalo qoyskiisa, nafsadiisa iyo bulshada Beeralayda ah..wuxuu tusaale wacan u ahaa dhalinta," ayuu yiri Ruto.

Sikastaba, Kipyegon ayaa ifka kaga tegay carmalad Miriam Chelangat iyo saddex caruur ah oo ay u dhashay, kuwaasoo wiilal iyo gabdho isugu jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM