Xildhibaan: Wiilkeyga kahor inta uusan is dilin fariintaan ayuu i soo diray

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Beatrice Kones, mudane ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa ka hadashay geerida wiilkeeda Collins Kipyegon Kalya oo is dilay, todobaadkii hore.

Xildhibaanka ayaa markii uu shilkaan dhacayay kaga qeybgaleysay shirka baarlamaanka Afrika wadanka Koonfur Afrika.

Ma cadda wali waxa Kipyegon, oo ahaa ubadka saddexaad Kones, ku dhaliyay inuu is dilo wallow warar is-khilaafsan ay kasoo baxayaan.

"Fariintii iigu dambeysay ee uu I soo diray wuxuu iigu sheegay in uu la hadlayo lamaantiisa, anna aan daryeelo ubadkiisa," ayay tiri.

Sidda ay ku sheegtay hadalkeeda, dhacdadaan aad ayay ula anfariirtay xildhibaanada, sababta oo ah ma jirin wax uu wiilkeedu tabayey.

"Kipyegon wuxuu ahaa wiilkeyga, darawalkeyga iyo lamaankeyga ganacsiga Beeraha. Kaliya siyaasiga qoyska ayuu ahaa," ayay raacisay.

Mrs. Kones oo sii hadlaysa ayaa tibaaxday in tirada sii kordheysa ee dhaliyarada is dilaysa marka loo eego gudaha dalkaasi Kenya ay walaac ku haysay.

Hadalkaan ayay ka sheegtay Xildhibaanadda munaasabada Aaska wiilkeeda, taasoo ay ka qeybgaleen madax dhowr ah.

Madaxda waxaa qeyb ka ahaa William Ruto, madaxwayne ku xigeenka Kenya, kaasoo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska.

"Marxuumka wuxuu rabay in uu wax ka bedalo qoyskiisa, nafsadiisa iyo bulshada Beeralayda ah..wuxuu tusaale wacan u ahaa dhalinta," ayuu yiri Ruto.

Sikastaba, Kipyegon ayaa ifka kaga tegay carmalad Miriam Chelangat iyo saddex caruur ah oo ay u dhashay, kuwaasoo wiilal iyo gabdho isugu jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM