Xildhibaano kusoo labistay dareeska gabdhaha iskuuleyda

Image
Image

LILONGE, Malawi - Dadweynaha reer Malawi ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay baraha bulshada ku wadaagayaan sawirro laga soo qaaday dumar xildhibaanno ah oo usoo labbistay sida gabdho iskuuley ah.

Qaar ka mid ah dadka ka falcelinayaa ayaa muujinaya in ay ku faraxsan yihiin labiska cusub ee mudaneyaasha, halka kuwa kalena aan la dhacsaneyn qaabka ay u soo labisteen.

Baarlamaanka dalka oo ka kooban 193 xubnood ayaa inta badan leh nidaam labis adag, laakiin waxaa loo dabciyay Talaadadii 43 haween siyaasiyiin ah oo ka tirsan golaha.

Xildhibaan Gotani Hara ayaa sheegtay in tilmaantan loola jeedo in fariin adag loogu diro gabdhaha taasoo ah in ay ku guuleysan karaan shaqooyinka adag, "wax walbana ay macquul yihiin".

Daraasado kala duwan ayaa waxay tilmaamayaan in ilaa 15% gabdhaha reer Malawi ay iskuulada ka baxaan ka hor intaysan dhameysan waxbarashada aasaasiga ah.

Sida ku xusan cilmi-baaristan oo ay sameeyeen ururo dhowr ah, sababta waxay salka ku haysaa arrimo kala duwan oo ay ku jiraan saboolnimo, uur ama guur lagu qasbay.

Dadka qaar ayaa madadaalo ka helay qaab labiskan. Mid kamid ah mudaneyaasha waxay xitaa dhalo kusoo qaadatay cunooyinka fudud ee caruurta, gaar ahaan meelaha miyiga ah - taasoo xamaasada badisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM