Xildhibanno xasaanada laga qaadey iyo Madaxweynaha oo wada isbedel

Image

JIGJIGA - Guul weyn ayaa usoo hooyatay Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida dalka Itoobiya kadib markii shalay oo khamiis ahayd xasaanaddii laga qaadey 12 Xildhibaan oo baarlamaanka maamulkiisa katirsanaa.

Madaxweyne Mustafe Cumar ayaa lagu soo waramayaa inuu isaga dalbaday in gollaha sharci dejinta dowlad degaanka laga saaro xubnahan, kadib markii lagu eedeeyay musuq-maasuq iyo inay ku lug lahaayeen rabshado dhiig ku daatey oo August 2018 ka dhacay Jigjiga.

Wararka ayaa sheegaya in Cagjar uu tallaabadan uga golleeyahay Isbedel inuu ku sameeyay xibiga haya talada oo la rumeysan yahay in xubno badan oo kamida, oo daacad u ah Cabdi Illey ay doonayaan afgembi isaga ka dhan ah.

Go'aanka Xildhibaanada xasaanadda looga qaadey ayaa kusoo beegmaya todobaadyo kadib markii Mustafe Cumar iyo gudoomiyaha xisbiga Axmed Shide, oo sidoo kale ah wasiirka maaliyadda Itoobiya Addis Ababa kula kulmeen Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.

Labada mas'uul ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyay khilaaf, balse Abiy Axmed uu ka dalbaday inay ka heshiiyaan arrimaha dhexdooda ah, islamarkaana ay kawada shaqeeyaan horumarka dowlad degaanka iyo xasiloonidiisa.

MAGACYADA XILDHIBAANADA XASAANADDA LAGA QAADEY:

1 - Ahmed Abdi lkacase,
2 - Suad Ahmed,
3 - Mohamed Rashid Isaq,
4 - Fartun Abdi Mahdi,
5 - Mohamoud Ahmed Heeryo,
6 - Ayaan Shakuul,
7 - Abdi Mahad Abase,
8 - Khadar Abdi ismail,
9 - Abdihalim Ahmed Ismail,
10 -Majida Mohamed,
11 - Mohamed Bile Miig,
12 - Nasra Hassan
GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM