Xilka qaadis lagu sameeyay taliyihii ciidamada dalka Nijer

Image

NIAMEY, Niger – Madaxweynaha Niger, Mahamadou Issoufou, ayaa xilka qaadis ku sameeyay taliyihii ciidamada dalkaasi, Ahmed Mohamed, kadib markii weerar lagu qaadey xerooyin ciidan.

Jeneraal Salifou Modi oo horey usoo noqday u qeysanaha militeriga safaaradda Niger ee dalka Jarmalka ayaa loo magacaabey jagadda laga eryay Jeneraal Maxamed oo howlgab ah.

Isbedelka hogaanka ciidamada Niger ayaa yimid markii in ka badan 160 askari lagu dilay labo weerar oo lagu qaadey fariisimo milatari oo ku yaalla nawaaxiga xuduuda uu la wadaago Mali.

Issoufou ayaa faray taliyaha cusub in uu si degdeg ah wax uga qabto weerarada soo noq-noqday bilooyinkii dambe.

Dhanka kale, madaxweynaha ayaa soo kabasho degdeg ah u rajeeyay tirro kale oo askar ah oo ku dhaawacmay falkaas.

Modi ayay warbaahinta dowladda kasoo xigatay in uu la imaan doono siyaasad ku wajahan "argagixisada gobolka".

Kooxo xiriir la leh Al-Qaacida iyo Daacish ayaa ku awood badan dalalka dhaca galbeedka Africa sida; Burkina Faso, Mali, Mauritania iyo Chad, kuwaasoo ku midoobey isbahaysiga G5, 2014.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM