Xiriirka Faransiiska iyo Morocco oo gaarey heerkii ugu hooseeyay

Image
Dalka dhaca Waqooyiga qaaradda Afrika ayaa u yeertay safiirka u fadhiyay magaaladda Paris.

RABAT, Morocco - Marooko ayaa Jimcihii u yeertay safiirkeedii u fadhiyay Faransiiska, sida ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada ku taalla Waqooyiga qaaradda Afrika.

"Shaqo joojinta Mohamed Benchaaboun ee Paris waxay ku timid awaamiirta boqortooyada," ayay wasaaraddu ku sheegtay bayaan ay soo saartay iyada oo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin.

Tallaabadan ayaa, sidda ay aaminsan yihiin falanqeeyeyaasha, waxay ku soo beegantay iyada oo ay xiisad ka dhex aloosantay Rabat, Midowga Yurub iyo waliba xukuumadda Paris.

Bishii Janaayo ee la soo dhaafay, Midowga Yurub wuxuu ansixiyay qaraar lagu dhaleeceynayo shuruudaha xorriyadda saxaafadda iyo hadalka ee Morocco.

Arbacadii, baarlamaanka Morocco ayaa ku dhawaaqay dhismaha guddi baarlamaani ah oo dib u qiimeyn ku sameeya xiriirka waddankooda kala dhaxeeya baarlamaanka Yurub.

Xiisadda u dhaxeysa Rabat iyo Paris, ayaa dhanka kale, waxaa sii hurinaya xayiraadaha fiisaha lagu soo rogay dadka Morocco, iyo hadal ku saabsan ka bixitaanka shirkadaha Faransiiska ee dalkan.

In kasta oo Rabat ay diiday xannibaadaha fiisaha Faransiiska oo uu ku tilmaamay "mid aan xaq ahayn," Paris waxay sheegtay inay si weyn u dhimi doonto tirada fiisaha ee soo booqda Morocco, Algeria, iyo Tunisia.

Xukuumadda Paris ayaa waxay ku andacoonaysaa in saddexda waddan - oo hore u gumaysan jiray Faransiiska - aysan samayn "shaqo ku filan" si ay wax uga qabtaan qaxootiga ku qulqulaya qaaradda Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya Oo Ku Baaqday In Midowga Yurub Mudnaanta Siiyo La-dagaallanka Al-Shabaab

Kenya ayaa si xooggan u dalbanaysa in Midowga Yurub uu dib u eegis ku sameeyo istaraatiijiyaddiisa.

  • Afrika

    22-09-2025

  • 02:18PM

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM