Zambia oo baabi'isay xukunada ciqaabta dilka toogashada ah

Image
Sidoo kale, waxaa meesha laga saarey sharci dambi ka dhigayay dhaleeceynta madaxweynaha.

LUSAKA, Zambia - Dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ee Zambia ayaa soo dhaweeyay go'aan lagu baabi'inayo laba sharci oo kala ah ciqaabta dilka iyo in in dhaleeceynta hoggaamiyaha dalka ay tahay dembi ciqaab mudan.

Madaxweyne Hakainde Hichilema, oo xisbigiisu mucaarid ahaa in ka badan labaatan sano, ayaa ballan qaaday in uu meesha ka saari doono sharciyada haddii loo doorto xilka ugu sarreeya.

"Madaxweyne Hakainde Hichilema wuxuu ogolaaday baabi'inta ciqaabta dilka iyo dembi ka dhigida dhaliisha madaxweynaha, kuwaas oo ku yaal buugaagta qaanuunka Zambia tan iyo (Xilliyadii) xornimada ka hor," ayuu yiri afhayeenka madaxweynaha Anthony Anthony Bwalya.

Brebner Changala oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in go'aanku uu ahaa "mid aad u weyn oo laga saaray sharciyadii gumeysiga ee aan ku habooneyn nidaamka dimoqraadiga ah ee dalka".

Agaasimaha fulinta ee Xarunta Wadahadalka Siyaasadda, Caroline Katotobwe, ayaa waxay ka dhawaajisay in dadka reer Zambia ay hadda si xor ah u hadli doonaan.

“Haddaanu nahay daneeyayaasha waanu ku faraxsannahay in sharcigan caburinta ah ugu dambayntii meesha laga saaray. Markaa, in muwaadiniinta loo oggolaado inay si xor ah u cabbiraan aragtidooda iyagoon ka cabsanayn in dacwad lagu soo oogo sidii horeba u dhacday,” ayay xustey.

Zambia waxa ay xornimada ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska 1964. Dalkan ku yaalla koonfurta Afrika waxa ku nool 18 milyan oo qof. Isbadaladda siyaasadeed waxay u horseedayaan maalinba maalinta xigta in uu sii horumarayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM