Zimbabwe oo mamnuuceysa shaqaaleysiinta dhakhaatiir ajnabi ah

Image
Zimbabwe waxa ay la daalaa dhacaysa dhibaato dhaqaale oo salka ku haysa sicir-barar joogto ah.

HARARE, Zimbabwe - Madaxweyne ku xigeenka Zimbabwe, Constantino Chiwenga, ayaa shaaca ka dhigay in ay qorsheynayaan in ay soo saaraan sharci dambi ka dhigaya in dalkaas la geeyo dhakhaatiir ajanbi ah.

Mr Chiwenga, oo sidoo kale ah wasiirka caafimaadka waddankaas, ayaa sheegay in mihnadlayaasha daryeelka caafimaadka ee dalkaas la geynaayo uu noqdo "mashruuc dadka looga ganacsado".

Hadalka mas'uulkan oo aad loosoo dhaweeyay ayaa waxa uu sidoo kale ku hanjabayaa in ciqaab adag la marsiin doono shaqsiyaad uu ku eedeeyay "in ay dhac u geysteen qaranka".

"Haddii mid si ula kac ah uu u shaqaaleysiiyo oo uu dalka u dhibaateeyo, taasi waa dambi ka dhan ah bini'aadantinimada, dadku waxay ku dhimanayaan isbitaallada sababtoo ah ma jiraan kalkaaliyeyaal iyo dhakhaatiir, taas waa in si dhab ah loo qaataa," Mr Chiwenga ayaa yiri Arbacadii.

Wasiirka oo sii hadlaya ayaa hadalkiisa ku daray: "Zimbabwe way ka xanaaqday dambigan foosha xun kaas oo sidoo kale ah xad-gudub weyn oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha".

Zimbabwe waxa ay la daalaa dhacaysa dhibaato dhaqaale oo soo food saartay mushaharkii ay ka qaadan jireen howlwadeenadda dowladda sababo ku aadan sicir bararka aan dhamaadka lahayn.

Warbaahinta maxalliga ah ee Zimbabwe ayaa sheegtay in in ka badan 4,000 oo kalkaaliyayaal iyo dhakhaatiir ah ay shaqadda ka tageen tan iyo bishii Febraayo 2021.

Sida laga soo xigtay ururka dhakhaatiirta Zimbabwe, waddankan waxaa ka shaqeeya kaliya 3,500 oo dhakhaatiir ah xilli ay ku nool yihiin 15 milyan oo qof taasoo muujineysa farqiga weyn ee u dhaxeeya tirooyinkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM