Cristiano Ronaldo oo Heshiis Laba Sano ah la Saxiixday Al-Nassr
Riyadh, Saudi Arabia – Xiddiga caalamiga ah ee Portugal Cristiano Ronaldo ayaa Khamiistii heshiis laba sano ah oo kordhin ah la saxiixday kooxda reer Saudi Arabia ee Al-Nassr, taasoo fursad u siinaysa inuu sii ciyaaro ugu yaraan ilaa uu gaaro da'da 42 jir.
"Qeyb cusub oo ka mid ah sheekada ayaa bilaabaneysa. Dareenkii hore, riyadii hore. Aan taariikhda isla qorno," ayuu Ronaldo ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.
Ronaldo oo shan jeer ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or ayaa u wareegay dalka Saudi Arabia dabayaaqadii 2022-kii, taasoo noqotay mid ka mid ah heshiisyadii ugu yaabka badnaa ee kubadda cagta kadib markii uu ka tagay Manchester United. Heshiiskaasi ayaa la sheegay inuu gaarayo ilaa $200 milyan sanadkii, taasoo keentay in ciyaartoy badan oo caan ah sida Neymar iyo Karim Benzema ay isaga tagaan kooxaha Yurub.
Balse Ronaldo ayaa dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore sheegay in “cutubkii la soo xiray”, taasoo dhalisay shaki ku saabsan mustaqbalkiisa ciyaareed. Hase yeeshee, saxiixa Khamiistii la shaaciyey ayaa soo afjaray saadaasha ku saabsan halka uu ku wajahan yahay.
"Al-Nassr weligeed," ayuu yiri Ronaldo isagoo muuqaal la socday warkan lagu baahiyey.
Ronaldo oo 40 jir ah ayaa wali muujinaya rabitaan uu ku doonayo inuu guulo kale ka gaaro xirfaddiisa layaabka leh. Wuxuu dhawaan gacan ka geystay in xulka qarankiisu ku guuleysto UEFA Nations League, waxaana la filayaa inuu u matalo Portugal Koobka Adduunka ee sannadka dambe.
Guud ahaan, Ronaldo wuxuu ku guuleystay 28 koob oo waaweyn heer koox iyo heer qaran, isagoo sidoo kale yahay gooldhaliyaha ugu sareeya taariikhda Champions League oo leh 141 gool.
Si kastaba, guulaha tartamada ayaa ku adkaaday tan iyo markii uu yimid Saudi Arabia. Koobkiisii kaliya ee uu ilaa hadda la qaaday Al-Nassr waa Arab Club Champions Cup 2023, iyadoo kooxda wali ku guuldareysatay hanashada horyaalka Saudi Pro League saddex xilli ciyaareed oo uu Ronaldo la joogo.
Kooxda Al-Nassr ayaa si weyn u amaantay saxiixa cusub, iyagoo soo dhigay muuqaal uu Ronaldo ku socdo xeeb, oo cinwaan looga dhigay: “Sheekadu way sii socotaa...” oo ay la socdaan emojis ah riyo (GOAT) iyo qalbi dahabi ah.
Ronaldo ayaa dad badan u arkaan inuu yahay ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee kubadda cagta abid.
GAROWE ONLINE