FAALO: Miyaa la xiray galkii Ikraan Tahliil?

Image

FAALO | Seddex bilood ka hor, arrintii ugu hadal haynta badnayd waxa ay ahayd kiiska maqnaanshiyaha Ikraan Tahliil, sargaaladdii NISA ee sidii loo ogaa iyada oo nabad qabta, markaliya la waayay.

Waxay ahayd dhacdo xukuumaddii Nabad iyo Nolol ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku noqotay musbaarkii ugu dambeeyay ee lagu kawiyay naxashkii looga saaray Villadda, iyaga oo siyaasad ahaan mayd u ah.

Haddaba dad badan waxa ay isweeydiinayaan waxa ku dhacay kiiskaasi, xitaa dadkaasi waxaa ka mid ah kuwii sida weyn ugu ololeynayay in caddaalad loo helo Ikraan Tahliil, haddana waxay xitaa su’aal weeydiinaya hooyada gabadha Qaali Guhaad oo ah in ay heshay gabadheedii iyo sababaha ay la aamustay.

Balse arrinta ugu xiisaha badan ayaa ah in siyaasiyiintii ololaha doorashada ku galay kiiska Ikraan, oo guuleystay, kadibna fariistay xafiisyada dalka ugu sareeya aanan weli laga haynin wax jabaq ah oo la xiriirta kiiska. Xafiisyada iskuma jiraane, waxaa xafiiska ugu  ugu sareeya ee NISA oo Ikraan maqnaanshaheeda lagu tuhmayay fariistay Mahad Salaad oo ka mid ahaa kuwii ugu codka dheeraa dadkii caddaalada u raadinayay Ikraan.

Xarunta NISA waa halkii lagu arkay raadkii ugu dambeeyay Ikraan, sidoo kale waa halka uu yiilay galka xogta sargaaladan maqan. Balse nasiib darro waxaa abuurmay su’aalo ka badan inta jawaabaha loo heli karo, halkii ay ahayd in si hufnaan ah lagu soo afjaro arrinka oo hadda la isku wada raacsanyahay in uu yahay ‘Dan Qaran’ oo ay tahay in shacabka oo dhan laga qanciyo.

Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo ahaa shaqsigii lagu eedeeyay in uu wax ka ogaa afduubka Ikraan, ayaa waraysi uu bixiyay ku sheegay in arrinka gabadha ay wax ka ogyihiin Mahad Salaad, wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al Caddaala iyo Ra’isulwasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble.

Sida kaliya ee eedeyntaasi lagu beenin karo waxa ay dad badani filayeen in ay tahay in mas’uuliyiintan ay soo afjaraan galka dacwadda ee Ikraan, meelna saaraan.

Gunaanad kaliya ee maangalka ah ee hadda la qaadan karo ayaa ah in dowladda oo uu ugu sareeyo madaxweyne Xasan Sheekh oo ka mid ahaa dadkii sida weyn qudhiisa u raadinayay caddaaladda Ikraan, ay gebi ahaanba laabtay galkii kiiska Ikraan Tahliil.

Balse waxaa hubanti ah in kiiskani yahay fulkaano siyaasadeed oo sugaysa kuwa hadda xukunka haya, markasta oo ay si degdeg ah isaga xaliyaan, waa markasta oo ay dantooda ku jirto.

Ficil la’aanta dowladda ee arrinka Ikraan ayay dadka siyaasadda u dhuun-daloola ku abuuraysaa shaki ah in markii horeba kiiska uu ahaa mid lagu awr kacsanayay oo la doonayay in looga gudbo buundo siyaasadeed  ama uuba ahaa shirqool siyaasadeed oo si cajiib ah loo maleegay si loogu miji xaabiyo xukunkii markaasi jiray.

Si kastooy ahaataba, kiiska Ikraan, waa falaartii cirka loo gamooy, cidka kastaa filo.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh “loo joojin maa” maku dhamaysanayaa labada sano u dhiman?

“Waxaa ayaan daro ah in ninkii Xamar madaxwayne ka noqdaba guusha ugu wayn ee uu rabo in uu gaaro ay tahay in uu Puntland la dagaalo”.

  • Fikradaha

    01-04-2024

  • 01:52AM

Baarlamaanka Soomaaliya oo saddex goor ansixiyey dukumiinti uusan arag

Ilaa iyo haatan cid aragtay ma laha nuqulka kama danbeysta ah ee afarta cutub, lamana garanayo waxa uu Madaxweynuhu xalay sidii hindise sharciyeedka oo kale u saxiixay.

  • Fikradaha

    01-04-2024

  • 12:53AM