Xasan Sheekh “loo joojin maa” maku dhamaysanayaa labada sano u dhiman?

Image
“Waxaa ayaan daro ah in ninkii Xamar madaxwayne ka noqdaba guusha ugu wayn ee uu rabo in uu gaaro ay tahay in uu Puntland la dagaalo”.

GAROWE, Puntland — Dacaayada baraha bulshada ee lagu bixiyo dhaqaalaha si loo aflagaadeeyo dadka reer Puntland oo Soomaalinimo wax walba u huray!

Sanadadan danbe waxaa soo batay dad baraha bulshada ku faafinaya Puntland baa waxdiiday? Su’aaahu waxa weeye maxay puntland diiday oo dan ah?

Sida aan wada ognahay, Puntland waa meesha kaliya dadkeedu burburkii kadib bilaabeen baadi goob Soomaaliwayn. Ilaa hadana ay tahay qodob muhiim ah oo ku yaal Dastuurkeeda.

Buugga ay qortay Asho Gele baa waxay ku xustay “in labadii maamul ee Puntland ugu horeeyay waa Cabdullahi iyo Cade AUN ay aad xoog u geliyeen raadin Soomaaliya naf iyo maalba wixii lahayay Xamar loo diray. Puntland laga galay xaqdaro in ciidamadii dawlaada musheerkooda la bixin waayay.” Maanta 10-ka wiil oo reer Puntland aad waraysato 8 kamida waaridiintood waxay naftooda u waayeen xoraynta Villa Xamar!

2009-kii bay Puntland-ta dhabta ah bilaabmatay hase yeeshe illaa maanta 26-jirka ku dhashay, ku caqliyaystay, ku barbaaray Puntland kuna helay nolo, amni iyo waxbarasho tayo leh hadii aad waraysato waxaa ka dhex guuxaya rabitaan ama Soomaaliya oo guulaysata in ay muhiim u tahay.

Waxaa ayaan daro ah in ninkii Xamar madaxwayne ka noqdaba guusha ugu wayn ee uu rabo in uu gaaro ay tahay in uu Puntland la dagaalo. Tusaale, Madaxwayne hore Farmaajo waxaa lagu xasuustaa in heer dagaalkiisu gaaray in uu caruurta waxbarashadooda siyaasadeeyo taas oo ah mid aad u foolxun weliba xiliyada ciyaalku imtixaan u fariisanayaan in jees jees loola soo fariisto saxaafada. Damiirximo!

Halka maamul goboleedyada Soomaaliya 2020 dastuur loo sameeyay, Dawladda Puntland waxaa ka jira nidaam soo bilaabmay 1998-kii dadkeeduna waa dad fahamsan dowladnimo, iyo waxa ay dawlad uga baahan yihiin.

Waa dad fahamsann isla xisaabtan waana sababta keentay in aysan waxwalbo oo khiyaali xuquuqdooda kasoo horjeeda qaadan. Madaxwayne hore Hassan Sheikh “loo joojin maa” maku dhamaysanayaa 2-da sano u dhiman?


FIIRO GAAR AH: Aragtida qoraalkan waxay gaar u tahay qofka ku saxiixan muhiim maaha in ay ka turjunto siyaasada Garowe Online.

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo saddex goor ansixiyey dukumiinti uusan arag

Ilaa iyo haatan cid aragtay ma laha nuqulka kama danbeysta ah ee afarta cutub, lamana garanayo waxa uu Madaxweynuhu xalay sidii hindise sharciyeedka oo kale u saxiixay.

  • Fikradaha

    01-04-2024

  • 12:53AM

Soomaaliya: ‘Doorashada’ Puntland dib u milicso tii Kacaanka ee 1986

Dawladda Kacaanka ee Siyaad Barre markii dagaal sokeeye, macaluul, shaqo la’aan…

  • Fikradaha

    19-11-2022

  • 06:25AM