Chinua Achebe: Qoraagii aduun $1 milyan ka diidey fanaan caan ah

Image
Mukafirkan ayaa sanadkii 2013 ku geeriyooday magaalada Boston ee dalka Mareykanka ka dib markii uu muddo xanuunsanaa.

NEW YORK, USA - Sanadkii 1958-kii, Chinua Achebe oo u dhashay dalka Nigeria wuxuu qoray buugiisii ​​ugu horeeyay ee "Things Fall Apart" isagoo 28 jir ah, kaas oo uu iibiyey in ka badan 20 milyan oo nuqul waxaana loo turjumay in ka badan 50 luqadood.

Waxaa buugiisa lagu daray mid ka mid ah Buugaagta ugu wanaagsan ee abid lagu qoro liiska Encyclopedia Britannica sanadkii 2018. Waxa kale uu ka mid noqday liiska 100 ka buug ee lagu soo bandhigay taxanaha TV-ga, Akhriska Ameerika.

Sanadkii 2011, Chinua Achebe waxay is-qabsadeen fanaanka caanka ah ee 50 cent. Wuxuu ku qasbay 50 Cent inuu badalo magaca filimkiisa cusub ee uu soo waday kaas oo uu u baxshay  "Things Fall Apart". 

Waxa uu u diray qareenkiisa. Markii uu 50 cent u soo bandhigay Achebe $1 milyan oo dollar, Achebe waxa uu dareemay in ay taasi tahay aflagaado oo uu diiday lacagtaas. 50 Cent ka dib wuxuu filimkiisii ​​ka badalay magacii oo uu kadib magaca ka dhigtay "All things Fall Apart".

Chinua Achebe ayaa sanadkii 2013 ku geeriyooday magaalada Boston ee dalka Mareykanka ka dib markii uu muddo xanuunsanaa.

Dadka daneeya akhriska ayaa aad u xiiseeya buuggaagta uu qoray qoraagaan oo intabadan ka hadlay dhaqanka iyo gumaysigii. Wuxuu kamid yahay Halyeyada Suugaanta Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Tuhunka ku gedaaman heshiiska garsoorka ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga

Tan iyo markii uu dhacay shilkaas, maamulka Xasan Sheekh waxa uu Turkiga siiyay heshiisyo waaweyn.

  • Maqaalo

    03-05-2024

  • 03:41AM

Saddex faa'iido uu Turkiga ka helayo heshiiska milatari ee Soomaaliya

Machadka Daraasaadka Siyaasadda Emirates Policy Center ayaa maqaal dheer ka daabacay heshiiskan.

  • Maqaalo

    27-04-2024

  • 02:26PM