Ma cabtaa Shaaha Sonkorta u badan, maxay u dhimi kartaa caafimaadka?

Image

Cabista badan ee Shaaha iyo khudaarta sonkorta leh (Juice) waxay kor u qaadaa xanuunada ku dhaca kalyaha sidaa waxaa lagu sheegey cilmibaaris dhowaan la shaaciyey.

Dadka caadeysta cabitaanadaan sonkorta leh ayey Cilmibaarayaasha waxay yiraahdeen waxay wajahaan khatartaan 61%.

Si kastaba, cilmibaaristooda ayaa ogaatey dadka Caba Shaaha iyo Khamriga Biirka la yiraahdo iney ku dhacaan cudurada Kalyaha ku dhaca [Kidney diseases].

Waxay kaloo sheegeen cilmi barayaasha in cabitaanada sonkortu ku badan tahay oo dhan sababaan in misaankaaga kor u kaco, cudurka dhiig karkuna kugu dhaco, marka dambena keena in sonkor kugu dhacdo, iyadoo sababta Kalya xanuun marka dambe.

Dalka Ingriiska oo kamid ah dalalka horey u marey lana socda heerka cafimaadka dadka ku nool ayaa la ogaadey in sanad walba dad gaaraya 40,000- 45,000 u dhintaan cudurada Kalyaha si kadis ah.

Mareykanka ayaa la sheegey isagana in 14% dadka ku nool ay qabaan cudurada dhiig-karka iyo macaanka. Warbixintaan ayaa sheegeysa in dalka Mareykanka cuduradaan marka la eego ay u badan yihiin dadka Madow marka loo eego kuwa Cadaanka ah.

Arinkaan ayaa warbixntaan sheegeysaa iney sababtey jeclaantooda cabitaanada macaanka ah - Keentana qofku inuu cayilo isagoo aan sameyn wax jimicsi ah taasoo sababta Kaadi Macaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Boosaaso: Soo Kabasho Dhaba iyo Rajo Mustaqbal Ifaya

Amniga oo ah saldhigga horumar kasta, waxaa magaaladda Boosaaso ka muuqata xasillooni sii xoogaysanaysa.

  • Maqaalo

    05-05-2026

  • 04:52AM

Ujeeddooyinka France ee Afrika: Doorka Jabuuti iyo Dalalka Geeska Afrika

Jabuuti, oo ah saldhigga ugu weyn ee Faransiiska ee Afrika, ayaa loo arkaa inay muhiimad weyn u leedahay qorshaha Faransiiska.

  • Maqaalo

    29-12-2024

  • 09:01AM