Soomaaliya: In ka badan 500 qof oo la dilay tan iyo bilowgii xiisada Dastuurka

Image
Dhimashadan ayaa badankeeda waxa ay ka dhalatay weerar gaadmo ah oo ay fulisay kooxda AS.

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya ayaa bishii la soo dhaafay waxaa ka dhacay qalalaase xooggan oo ay ka dhasheen xasillooni darro siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo kordhay.

Muddadan, Mashruuca Xogta Goobta & Falalka Hubaysan (ACLED) ayaa diiwaan-geliyay in ka badan 205 dhacdo oo rabshado siyaasadeed ah, taasoo keentay ugu yaraan 539 dhimasho ah.

Goobaha ugu badan ee ay dhibaatada ka dhacday ayaa ah gobolada Shabeelaha Hoose iyo Mudug oo ay Al-Shabaab xoojiyeen weerarada ka dhanka ah ciidamada amaanka.

Iyadoo Soomaaliya ay la daalaa dhacayso caqabadahan dhanka ammaanka ah, ayaa sidoo kale dalka waxaa soo food saaray qalalaase siyaasadeed oo xooggan, taasoo ka dhalatay dadaallo muran badan dhaliyay oo lagu doonayay in wax looga beddelo dastuurka KMG ah, kaasoo soo jiray tan iyo 2012-kii.

Wareegii ugu dambeeyay ee wax ka bedelka, oo uu Baarlamaanku ansixiyay 30-kii March, ayaa lagu doonayaa in sare loogu qaado awoodaha madaxweynaha iyo in laga gudbo doorasho guud.

Wax-ka-beddelladan ayaa sidoo kale soo jeedinaya in muddo xileedka madaxweynaha iyo baarlamaanka laga dhigo shan sano, iyadoo awoodaha qaar ee dhaqan ahaan Baarlamaanku leeyahay loo wareejiyay madaxtooyada.

Wax ka bedelka dastuurka ayaa waxa uu la kulmay mucaaradad xoogan, gaar ahaan maamulka Puntland oo ku dhawaaqay inay aqoonsiga kala laabteen dowladda Soomaaliya 31-kii March.

Talaabadan ayaa timid maalin kadib markii wax ka bedelka lagu sameeyay, taasoo noqonaysa markii labaad oo ay Puntland u sheegato madax banaanida cabashooyin noocaan oo kale ah.

Sikastaba ha ahaatee, kororka falalka amni daradda kadib markii uu dilaaco khilaaf siyaasadeed ayaa ka dhigan in laga maarmaan qaboojinta xasaradaha siyaasiga ah inuu socdo dagaalka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Tuhunka ku gedaaman heshiiska garsoorka ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga

Tan iyo markii uu dhacay shilkaas, maamulka Xasan Sheekh waxa uu Turkiga siiyay heshiisyo waaweyn.

  • Maqaalo

    03-05-2024

  • 03:41AM

Saddex faa'iido uu Turkiga ka helayo heshiiska milatari ee Soomaaliya

Machadka Daraasaadka Siyaasadda Emirates Policy Center ayaa maqaal dheer ka daabacay heshiiskan.

  • Maqaalo

    27-04-2024

  • 02:26PM