​10 ku dhimatay dhisme soo dumay India

Image
Image
Image
Image

CALCUTTA- Dhisme weyn oo la dayactirayay magalada Calcutta dalka India ayaa soo dumay, wuxuuna galaaftay nolosha in kabadan 10 ruux kuwaasi oo qaybtood kamid ahaayeen shaqaalihii hayay howsha dayactirka dhismahaasi.

Dhawacyo kala duwan ayaa jira, waxaana qaybtood loo qaaday goobaha caafimaadkaa dalkaasi, kuwaasi oo wararku sheegayaan in qaybtood aad u liidato xaaladooda caafimaad.

Bur-burka dhismahaasi ayaa sidoo kale xanibaya isus socodka gaadiidk iyo dadweynaha, waxaana wararku intaasi raacinayaan in ku dhawaan 150 ruux ku xanibanyihiin waddo mashquul ahayd.

Sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday halka dhacdadaasi asiibtay, waxaa ka muuqda bur-bur dhismayaal kale iyo gawaari, waxaana wakaaladana caalamku ku waramayaan in kudhawaad 60 ruux loo qaaday Cusbitaallada magalada Cacutta dalka India.

Wasiirka arimaha gudaha dalkaas Rajnath Singh, ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in xaaladdan si dhaw ula socdaan islamarkaana ka hortagayaan khasaaro sii bata, wuxuuna bulshada ugu baaqay inay is-dajiyaan.

Maaha markii ugu horaysay bur-bur dhisme noocaan oo kale ah ka dhaco waddanka India, waxaana dhacdooyinkaasi loo aaneeya farsamo xumo iyo inaan laga taxadarin marka la dhisayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Riyaalka Iran oo Qiimo-dhac Taariikhi ah Wajahaya, $1 oo Dhaafay 2 Milyan oo Riyaal

Riyaalka ayaa Isniintii ku dhacay qiyaastii 2.02 milyan oo Riyaal halkii doollar, sida lagu sheegay xogta suuqa lacagaha aan rasmiga ahayn.

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 01:02PM

Uganda iyo Burundi oo khibrad u leh howlgalka Soomaaliya oo Ciidan u diraya Gaza

Sarkaal ka tirsan milatariga Uganda oo xog u haya qorshaha ayaa sheegay in ciidamo hadda la xulayo si loogu diro Gaza.

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 05:39AM