​100 ruux oo ku dhintay dhul-gariir ka dhacay Indonesia

Image

Saraakiisha caafimaadka dalka Indonesia, ayaa ku waramay in khasaaro xooggan uu ka dhashay dhul gariir waddankaas ka dhacay maanta gaar ahaan gobolka Aceh.

Tirada dhimashada ayaa lagusoo waramayaa inay kor u dhaaftay 100 ruux halka dhaawaco intaas ka badanyahay.

Cabirka masiibadan ayaa lagu qiyaasay 6.5, dhismeyaal badan ayaa burburay waxaana laga cabsi qabaa in ay dad badan ku hoos xayiran yihiin burburka hoostiisa.

Kooxaha gar-gaarka deg dega ah, ayaa ku jira howlgal xoog leh iyadoo ay kaalmaynayaan ciidamada difaaca, booliiska iyo dadka gobolkaas ku dhqan.

Taliyaha millatariga gobolka Aceh ayaa waraysi TV oo toos loo baahiyay ka sheegay in tirada dhimashadu ay wali sii kordhayso.

Afhayeen u hadlay hay'adda masiibooyinka ee dalka Indonesia ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in-kabadan 200 oo dukaammo iyo guryo isugu jira ku burbureen dhulgariirka ayna ka mid yihiin 14 masaajid.

Isbitaal iyo iskuulo waxbarasho ayaa sidoo kale waxyeelo wayn soo gaartay.

2004-tii dhulgariir badda hoosteeda ka dhacay oo ku dhuftay xeebaha Aceh oo sababay tsunami waxaa ku geeriyooday 160,000 oo ruux.

Cabsi xoog leh ayaa wali gobolka kajirta, waxaana dowladdu ku dadaalaysaa inay daad-gurayso dadka halista ku jira iyo kuwa ka bad-baaday masiibadaasi rabaaniga ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Araghchi: Ma jiro qorshe lagu daldalayo dibadbaxayaal, Trump-na wuu joojiyay weerarka

Trump ayaa arrintan ka hadlay saacado kaddib markii Mareykanku bilaabay in uu ka saaro qaar ka mid ah shaqaalihiisa saldhig ciidan oo ku yaalla Qatar.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM