​14 ku dhimatay dagaal ka dhacay Cadan

Image

Ugu yaran 14 qof ayaa lagu dilay dagaal kharaar oo ka dhacay magaalada Cadan ee koonfurta dalka Yemen. 

Dagaalka ayaa billowday kaddib markii xoogagga ammaanka ee dalka Yemen ay billaabeen hawlgal ay dagaalyahanada islaamiga ah dib uga qbasanayaan magaaladaasi.

Isbahaysiga uu Sucuudiga hoggaamiyo ayaa sabtigii codsaday taageero dhanka cirka ah kaddib markii kooxo xiriir la leh Al-Qaacidda iyo mintidiinta kooxda Khilaafada islaamka ay billaabeen hawlgallo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo ka dhan ah milatariga dalkaasi. 

Labadani kooxood ee islaamiga ah ayaa ka faa’iideystay colaadda 18-ka bilood ka socotay dalka Yemen ee u dhaxeysay dowladda Yemen ee taageerada ka helaysay isbahaysiga uu Sucuudiga hoggaamiyo iyo fallaagada Xuutiyiinta si ay u qabsadaan dhul ballaaran oo ku yaal Koonfurta iyo bariga dalkaasi Yemen.

BBC

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM