150 qof oo ku geeriyoodey shil diyaaradeed oo ka dhacay France

Image

March 24, 2014 (GO)- 150 qof ayaa ku dhintey shil diyaaradeed oo gelinkii hore ee maanta ka dhacay dalka France.

Diyaaradan oo ay leedahay shirkadda Germanwings waxay kasoo duushey magaalada Barcelona ee dalka Spain iyadoo kusii jeeddey magaalada Dusseldorf ee dalka Germany.

Goor hore oo saaka ahayd ayey diyaaraddu ku dhacdey buuraha Alps lama oga ilaa iyo hadda sababta keentay shilkan.

Shilalka diyaaradaha ayaa labadii sano ee ugu dambeyey kusooo badanayey dunida, waxaana xusid mudan in saddexdii shil ee ugu dambeeyey ay ku dhinteen in ka badan 700 oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM