18 ruux oo ku dhintay waddanka Pakistan

Image

05 November, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya dalka Pakistan ayaa sheegaya inay dhinteen inta la hubo 18 ruux ka dib bur-bur soo gaaray dhisme warshadeed oo ka koobnaa afar dabaq.

Shilkaasi waxaa ku dhaawacmay toboneeye kale, iyadoo jiraan dad weli ku xanibay dhismaha waxyeelloobay.

Lama oga sababta rasmiga ah ee shilkan keentay, balse dad ka ag dhawaa ayaa warbaahinta dalkaasi u sheegay in waxyeello ka soo gaartay dhul gariir dhawaan ka dhacay Pakistan oo ku dhinteen 270 qof .

Dowladda waddankaasi ayaa sheegtay inay waddo dadaalo lagu soo bad baadinayo dad ku xaniban qaybta hoose ee dhismaha bur-buray, waxaana xukuumaddu sheegtay ilaa hadda in la soo bad baadiyay inkabadan 70 ruux.

Kooxaha gurmadka ayaa goobta gaaray iyagoo isticmaalaya gaadiid waaweyn si looga hortagyo waxyeello soo gaarta dadka ku xanibay qaybta hoose dabaqa bur-buray.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM