​19 Carruur Ethiopian ah oo lasoo daayay

Image

Waxaa xorriyadooda dib loo siiyay 19 kamid ah in kabada boqol carruur laga afduubtay gobolka Gambella ee dhaca xadka dalalka Ethiopia iyo Suudaanta Koonfureed.

Dhallaankan, ayaa la qafaashay bishii hore, waxaana kaxaystay rag hubaysan oo kasoo jeeda qowmiyadda Marle oo dalka South Sudan.

Kahor intaysan afduubka gaysan waxay dileen in kabadan boqol qof.

Ciidamo Ethiopian ah ayaa galay dalkaasi, iyagoo ku raad jooga kooxii dhibka gaystay, balse waxaa lagu qanciyay inaysan dagallamin.

Xukuumadda Jubba, ayaa wadahadal kula jirtay cuqaasha deegaanadaas si loo soo daayo caruurta.

Sagaal iyo toban ka mid ah caruurtii ayaa dib loogu celiyay dalkoodii Itoobiya.

Dadaalo ayaana la sameeyay si kuwo kale loo soo daayo.

Jawaabta ay ilaa iyo hadda ka bixisay South Sudan ayaa u muuqata in ay baajisay muran soo kala dhex gala dalka ay dariska yihiin ee Itoobiya oo awood badan.

Arrintan ayaa dadka u dhuun daloola xaaladda labadaasi dal, waxay ku warrameen inay jiraan khilaaf soo jireen ah oo u dhaxeeya qowmiyadda Ethiopia iyo South Sudan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM