​22 qof oo la waayay dalka India

Image

Khasaaro xoogan ayaa dalka India ka dhacay xilli ay da'ayeen roobab sababatay inuu fatahaad sameeyo wabiga u dhow magaalada Mumbai halkaasoo lagusoo waramayo inay isku dhaceen labo bas Buundo korkeed.

Ugu yaraan 22 qof ayaa maqan ka dib markii Buundo isku xirta Mumbai iyo magaalada Goa ee Galbeedka dalkaasi duntay.

Shilka ayaa dhacay subaxnimadii hore Arbacada, waxaana lagusoo waramayaa in labada gaari oo siday dad isku dhaceen Wabiga oo kacsan islamarkaana fatahaad sameeynayay.

Saraakiil katirsan boliiska Sanjay Patil ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP, in shaqaalaha gargaarka aysan arkin dad badbaaday ama baabuur.

Roob xoogan ayaa adkeeyay howlgalka shaqaalaha badbaadada. Baabuurta ayaa loo leexiyay buundo kale oo meesha u dhow.

Op Singh, oo ah madaxa hayadda qaranka ee gurmadka degdega, ayaa sheegay in 80 qof oo shaqaale loo diray goobta oo ay ku jiraan darawalo.

Buundada go'day ayaa la sheegay in la dhisay 1940-tameeyadii mana jirin wax dayactir lagu sameeyay, waxaana dumisteeda loo aanaynayaa fatahaadda iyo shilka gawaarida isku dhacday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM

Araghchi: Ma jiro qorshe lagu daldalayo dibadbaxayaal, Trump-na wuu joojiyay weerarka

Trump ayaa arrintan ka hadlay saacado kaddib markii Mareykanku bilaabay in uu ka saaro qaar ka mid ah shaqaalihiisa saldhig ciidan oo ku yaalla Qatar.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 05:28AM