​30 qof oo ku dhintay Fatahaado ku dhacay Thailand

Image

In ka badan 30 qof ayaa ku dhintay fatahaado ku dhacay Koonfurta dalka Thailand, halkaasi oo muddo dhowr maalmood ah ay ka da'ayeen roobab mahiigaan ah.

Fatahaadda ayaa waxay saamaysay hal milyan oo qoys, oo lagu soo waramayo inay ka barakaceen guryahooda, kadib markii biyaha roobabka ka dhashay ay burburiyeen.

Saraakiisha iyo hay'adaha gurmadka masiibooyinka Thailand  ayaa sheegay  in 10 kamid ah 14-ka gobolka ee ku yaalla koonfurta dalkaasi ay ka da'een roobab socday in ka badan hal todobaad.

Ra'iisul Wasaaraha Thailand  Prayuth Chan-ocha,  ayaa sheegay inay dowladiisu samayn doonto dadaallo lagu caawinayo dadka ay dhibaateeyeen roobabka iyo fatahaada.

Hay'adda saadaasha hawada Thailand ayaa ka digtay roobab kale oo sare u qaadi kara khasaaraha daadadka ka dhashay, waxayna ugu baaqday dalxiisayaasha inaysan u safrin goobaha roobabku ka da'ayaan.

Daadadkii ka dhashay, roobka waxay gooyeen wadooyinka muhiimka ah, ee gargaarka loo marin lahaa dadka u baahan in la caawiyo, waxaana taasi adkaysay dadaalada samatabixinta.

Dowladda Thailand ayaa sheegtay in 50 markab u dirtay goobaha ay fatahaaddu ka jirto, si dadka go'doonsan loo soo bad-baadiyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM