​34 qof tahriibayaal ku dhintay Niger

Image

Dowladda waddanka Niger, ayaa sheegtay in la helay maydka 34 qof ku dhintay meel saxare ah kadib markii ay ka dhuunteen mukhalasiintii waday, waxaana dadka dhintay ugu badan carruur Oon iyo Harraad u geeriyooday.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Niger, ayaa xaqiijiyay geerida tahriibayaashaasi oo 20 kamid ah carruur yihiin.

Dalka Niger, ayaa kamid ah meelaha ay sii maraan muhaajiriinta doonaya inay galaan waddamada Yurub, waxaana taasi keentay inay kor usii kacdo tirada dadka ku dhintay dalkaasi.

Dowladda Niger, aya mamnuucday tahriibayaasha ka tallaab waddankeeda, waxaana xabsi mutaysta qof kasta oo lagu helo mukhalasnimo ama tahriib fududeyn.

Maalin kasta waxaa kor usii kacda dadka ku le'enaya jidka loo maro Yurub, hadana ma yaraadaan safarrada dhalinyarada Afrikaanka ah ee qaaraddaasi u socdaala.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM