​37 qof oo ku dhintay diyaarad ku bur-burtay Kyrgyzstan

Image
Image
Image
Image
Image

Diyaarad laga leeyahay dalka Turkiga ayaa ku bur-burtay waddanka Kyrgyzstan xilli ay ku sii jeeday magaalada Istanbul balse kusii hakanaysay garoonka diyaaradaha Manas.

Waxay iyadoo xamuul sida kasoo duushay Hong Kong, iyadoo dishay 37 qof, oo intooda badan ay joogeen dhulka, sida mas'uuliyiinta dalkaas sheegeen.

Dadka dhintay waxaa ku jira ilmo aad u yar oo ku sugnaa halka ay ku dhacday diyaaraddu.

Diyaaradda Boeing 747 TC-MCL, oo ay leedahay shirkadda duulimaadyada ee ACT Airlines ayaa soo dhacday xilli ay ku dagaysay garoonka Manas, oo 25km dhinaca waqooyi ka xiga magaalo madaxda Bishkek.

Sababta shilka ayaa la rumaysanyahay inay tahay ciiryaamo ka jirta magaaladaas.

Ugu yaraan 15 guryo ayaa ku burburay tuulo garoonka banaankiisa ku taalla, waxaana sawirro ay kasoo qaateen wakaaladaha wararka dalkaasi muujinayeen burbur baahsan.

Duulimaadka TK6491 ayaa sii marayay garoonka Manas, isagoo u socda Istanbul, Turkey.

ACT ayaa ah shirkad diyaarad oo saldhigeedu yahay magaalada Istanbul iyadoo la sheegay inay shaqaynaysay in kabadan 14 sano.

Ra'iisalwasaare ku xigeenka Muhammetkaly Abulgaziev, telefishinka waddankaasi ayaa xusay in sababta shilka keenay qalad ka yimid duuliyaha diyaaradda.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Shirkadda ACT.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM