49 ka tirsan ciidamada dalka Yemen oo lagu diley Qarax lala beegsadey

Image

Qof isa soo miidaamiyey ayaa dilay ugu yaraan 49 ka mid ah Askarta Yemen. Weerarka ayaa ka dhacay magaalada xeebeedda koonfurta dalka ku taalla ee Cadan. Weerarka oo Axadda maanta ah dhacay ayaa yimid toddobaad ka dib markii ururka ISIS uu wear kale ku dilay 50 askari.

Saraakiisha ayaa sheegay in askartu ay saf ugu jireen inay mushahar ka qaataan xarun ciidan u dhow degmada Khor Maksar markii qofkii weerarka soo qaaday uu is qarxiyey. Saraakiisha ayaa sheegay in 49ka dhintay mooyaane, ugu yaraan 60 askari oo kale la dhaawacay.

Magaalada Cadan waa caasimadda KMG ah ee xukuumadda ay bulshada caalamka ahi aqoonsan tahay, taas oo fadhigeedu yahay dalka Sacuudi Carabiya.

Maamulka ayaa dhibaato ka haysatay sidii uu awooddiisa ugu baahin lahaa magaalada, iyada oo mitidiintuna ay tobanaan weerar ku qaadeen ciidankiisa. 

Ururka ISIS ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka ismaadiimaanta ahaa ee maanta dhacay, isaga oo sheegay in tiro ka badan 70 qof oo ay ku sheegeen kuwo diinta ka baxay ay ku dileen weerar uu qaaday qof magaciisa lagu sheegay Abu Hashem al-Radfani.

Ururada AlQacida iyo ISIS ayaa ka faa’iideystay ku dhawaad labo sano oo dalkaas dagaal ka socday, iyaga oo qaada dilal khaarajin ah iyo qaraxyo.

Badi weeraradaasi waxay ka dhacaan koonfurta oo ah meel aan nidaam ka jirin, magac ahaana ay dawladdu u maamusho. 

Dalka Sacuudi Carabiya iyo xulufadiisa military oo u badan dalalka Gacanka ayaa duqeyn ku hayey dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta oo haysta qeybo ka mid ah dalka ilaa markii ay dawladda xilka ka tureen bishii March ee sanadkii 2015kii, waxayse ku guuldareysteen inay xukuumadda ka saaraan magaalada xarunta dalka ah ee Sancaa.

VOA

Related Articles

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM