5 ka mid ah ciidamada NATO oo ku dhintay shil diyaaradeed

Image

12 Octobar, 2015(GO)-Diyaarad laga leeyahay dalka Britain ayaa ku dhacday xero Milateri oo ku taalla wadanka Afganistaan, ka dib cilad soo gaartay xilli ay dagi lahayd, waxaana ku dhintay shan ka mid ah ciidamada NATO.

Wasiirka difaaca Britian oo London ku sugan, waxa uu sheegay in labo kamid ah shanta askari ee dhimatay u dhasheen dalka Britain, balse lama ogaan saddexda kale wadama ka soo jeedaan.

Afhayeen u hadlay NATO ayaa xaqiijiyay inay ciladowday diyaaradan oo nooceeyu yahay Helikobter "Puma Mk 2" waqti ay ku daganaysay xero ku leeyihiin magalada Kabul.

Wali waxaa socda baaritaan NATO wado oo ku xaqiijinayaan waxyaabaha dhaliyay ciladda.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM