​60 Boko Xaram oo Nigeria lagu dilay

Image

Afhayeen u hadlay Milateriga dalka Nigeria, ayaa sheegay in howlgallo ciidamadoodu fuliyeen lagu dilay in kabadan 60 katirsan kooxdaasi kadib weeraro lala beegsaday saldhigyo ku lahaayeen Waqooyi Bari dalkaasi.

Sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray afhayeenka milateriga, Col Sani Usman, laba qof oo kale ayaa la xiray, iyadoo 120 qofna la soo badbaadiyay, waxaana dadkaas ka mid ahaa haweeney umushay daqiiqado ka hor intii aan la soo samata bixin.

Gaashaanle sare Sani Kukasheka Usman, ayaa sidoo kale sheegay inay gacanta kusoo dhigeen saanad millateri iyo gaadiid dagaal isagoo xusay in howlgalka ka caawiyeen shacab ku dhaqan tuulooyin ku yaalla goobaha la weeraray.

Wuxuu intaasi raaciyay in askartoodu la kulmeen iska caabin goobaha qaybtood, balse iska waabiyeen qorshahoodana sidii la rabay ugu fulay.

Dadka lasoo badbaadiyay ayaa  madaxfurasho loo haystay muddo badan, waxaana la aqoon haybtooda iyo goobaha lagasoo afduubtay, waxayse dowladdu ku warantahay inay diiwaangaliyeen dhammaantood islamarkaana raadin doonaan qoysaskooda.

Waqooyi Bari dalka Nigeria waxaa aad ugu xooggan kooxda Booko Xaram, waxayna inta badan fuliyaan weeraro iyo afduub loo gaysto dad shacab ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM