Kenya: 7 qof ku geeriyootay xeryaha qaxootiga Dhadhaab

Image

16 December, 2015(GO)-Ugu yaraan Todobo qof ayaa ku geeriyootay xeryaha qaxootiga Dhadhaab in kabadan 540 kalena waxaa la dhigay xarumaha caafimaadka, kadib markii uu dillaacay cudurka daacuunka.

Cudurkan ayaa saamaynta ugu badan ka gaystay xero lagu magacaabo Dhagaxlay, waxaana saddex meelood dadka cudurkan soo ritay u badanyihiin caruur da'doodu ka hoosayso 12 sano.

Hay'adda dhaqaatiirta aan xudduuda lahayn MSF ayaa caddaysay roobab ka da'ay xeryaha iyo nadaafad darro sababeen cudurkan.

Waxaa socda dadaalo lagu hakinayo fiditaanka cudurkan. Hay’adda UNHCR iyo kuwa kale oo ka shaqeeya samafalka ayaa xarumo lagu daaweeyo bukaannada ka furay Dadaab.

Xanuunkan ayaa ku soo beegmay xilli dadka qaxootiga ah ee ku nool xeryahaasi ku yaalla dalka Kenya la daalaa dhacayeen macaluul, mana jirto cid arrintooda u istaagtay marka laga reebo hay'ado dhawr ah oo ku dadaalaya sidii loo yarayn lahaa samaynta cudurkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM