87 qof oo ku dhimatay Masjidka Xaramka Maka

Image

11 September, 2015(GO)-Ugu yaraan 87 qof ayaa ku dhintey 183 kale waa ku dhaawacmeen masaajidka xaramka magaalada Maka ee dalka Sacuudi Carabiya kadib markii uu soo dumay wiish ka mid ah kuwa lagu dhisayay masaajidka.

Shilkan ayaa yimi ka dib markii uu Maka maanta ka da'ay roobkii ugu badnaa muddo haatan laga joogo dhawr iyo toban sano.

Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) oo ah wakiilka arrimaha Xajka ee Somaliland oo la hadlayay Idaacadda BBC-da ayaa sheegay inuu soo dumay mid ka mid ah wiishashka lagu dhisayay Xaramka ka dib markii ay ku dhacday Biriq.

Dadka dhintay ayaa waxa laalayay sida uu sheegayo Axmed Safiina haraadiga wiishka, iyadoo arrintani dhacday abaara 5.45pm ee Galabta.

Waxaa lagu soo waramayaa in dadka dhaawacmay uu ka midyahay nin u dhashay dalka Somalia, waloow aan la caddeyn dhaawaca soo gaarey inta uu le'egyahay ilaa iyo hadda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo lagu eedeeyay inuu booqanayo dalal qoyskiisa dano ganacsi ka leh

Bishii hore, wiilka labaad ee Trump, Eric Trump, ayaa dhameystiray heshiis ku kacaya $5.5 bilyan oo lagu dhisayo xarun golf oo casri ah gudaha Qatar.

  • Caalamka

    13-05-2025

  • 05:03AM

Mareykanka iyo Shiinaha oo Heshiis Cusub Ka Gaaray Canshuuraha Ganacsiga

Xiisadda ganacsi ee u dhaxeysa Mareykanka iyo Shiinaha ayaa bilaabatay sanadkii 2018, mudo-xileedkii hore ee Donald Trump.

  • Caalamka

    12-05-2025

  • 07:58AM