87 qof oo ku dhimatay Masjidka Xaramka Maka

Image

11 September, 2015(GO)-Ugu yaraan 87 qof ayaa ku dhintey 183 kale waa ku dhaawacmeen masaajidka xaramka magaalada Maka ee dalka Sacuudi Carabiya kadib markii uu soo dumay wiish ka mid ah kuwa lagu dhisayay masaajidka.

Shilkan ayaa yimi ka dib markii uu Maka maanta ka da'ay roobkii ugu badnaa muddo haatan laga joogo dhawr iyo toban sano.

Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) oo ah wakiilka arrimaha Xajka ee Somaliland oo la hadlayay Idaacadda BBC-da ayaa sheegay inuu soo dumay mid ka mid ah wiishashka lagu dhisayay Xaramka ka dib markii ay ku dhacday Biriq.

Dadka dhintay ayaa waxa laalayay sida uu sheegayo Axmed Safiina haraadiga wiishka, iyadoo arrintani dhacday abaara 5.45pm ee Galabta.

Waxaa lagu soo waramayaa in dadka dhaawacmay uu ka midyahay nin u dhashay dalka Somalia, waloow aan la caddeyn dhaawaca soo gaarey inta uu le'egyahay ilaa iyo hadda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM