Afgambigii Burundi oo dhicisoobay

Image

Laba lataliye Boolis iyo Generaal isku dayay maalintii Arbacada ahayd, in ay xilka ka tuuraan madaxweynaha Burundi Piere Nkurunzinza, ayaa lagu xiray caasimadda dalkaasi ee Bujumbura.

Afhayeenka madaxweynaha, waloow uu sheegayo in hoggaamiyihii isku dayay afgambiga General Godefroid Niyombare, uu weli baxsad yahay.

Madaxweyne Pierre Nkurunzinza, ayaa qudbad u jeedinaya dalkiisa wakhtigan, kaddib markii uu ku dhaawaqay in uu dalka ku soo noqday xalay.

Dadka kale ee la xirxiray ayaa waxaa ka mid ah kuxigeenka hoggaamiyaha afgambiga sameeyay Cyrille Ndayirukiye, iyo hoggaamiyayaal sar sare oo ku jira milatariga.

Ciidamo kale oo ku lug lahaa isku dayga afgambi ayaa isdhiibay.

Waloow afhayeenka Booliska uu sheegayo in Generaal Godefroid Niyombare, oo horkacayay kacdoonkan uu weli baxsad yahay.

Mar sii horaysay Generaal Niyombar, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu isdhiibo, kaddib markii uu fahmay in inta badan ciidamadda ay taageersan yihiin dowladda hadda jirta.

Madaxweyne Nkurunzinza, ayaa qudbad u jeedinaya shacabkiisa saaka, kaddib markii uu dib uga soo laabtay dalka dariska la ah ee Tanzania, oo uu kaga qeybgalayay kullan gobalka ah, markii lagu dhawaaqay isku dayga afgambi.

Xabada goos goos ah ayaa laga maqlayay saaka caasimadda, balse hadda xaalku waa daganyahay.

XIGASHO:BBC

Related Articles

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM