Afganistan: weerar is-miidamin ah oo lagu qaaday xero ciidan

Image

Wararka aan ka helayno dalka Afganistan ayaa sheegaya in weerar uu fuliyay naftii hore isku soo xiray walxaha qarxa uu beegsaday xero ciidan oo ku taalla Waqooyiga waddankaas gaar ahaan degmada lagu magacaabo Dehdadi. 

Qaraxan ayaa lagu dilay saddex katirsan ciidankan Afganistan, waxaana lagu dhaawacay 18 kale kuwaas oo laga dhigay cusbitalka ku yaalla degmadaas.

"Saddex askari oo ciidamadeena kamid ah ayaa ku dhintay, 18 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarka," Ayuu yiri Munir Farhad, afhayeen u hadlay taliyaha ciidamdaa gobolkaasi. 

Farhad, ayaa tilmaamay in ruuxa isqarxiyay oo aan la aqoonsan uu beegsaday bas ka agdhawaa xerada ciidamada isagoo cadeeyay inuu shakhsiga isqarxiyay lugaynayay ee uusan wadan baabuur iyo wixii kale oo socdaal loo adeegsado. 

Majirto cid shacab ah oo lagu waxyeeleeyay qaraxan ay sheegatay kooxda Taliban, kadib waraaq uu warbaahinta u diray afhayeen ururka u hadlay oo lagu magacaabo Zabihullah Mujahid. 

Falkan ayaa yimi kadib markii shalay lagu dilay miino dhulka lagu aasay askari katirsan ciidanka Boliiska waddankaas gaar ahaa gobolka Logar, waxaana lagu dhaawacay 8 kale. 

Xubno kasocda dalalka USA, China, Afganistan iyo Pakistan, ayaa wada qorshe lagu yaraynayo weerarada ururka Taliban, waxaana shirar ka dhacay Kabul iyo Islamabad, lagu cadeeyeen sida ay lagama marmaanka u tahay in wada-hadal lala galo ururkaasi. 

Taliban ayaa weerarada is-miidaaminta u badan xoojisay wixii ka dambeeyay 2014, markii ciidamada NATO isaga baxeen Afghanistan. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM