Afghanistan: Ciidanka USA oo faarujiyey xero weyn

Image
Image
Image
Image

KABUL, Afghanistan - Ku dhowaad 20 sano ka dib, militariga Mareykanka ayaa ka tagay saldhigga Bagram ee Afghanistan, oo xudun u ah dagaalkooda ka dhanka ah Taliban iyo baacsiga shabakadii al-Qaacida ee weerarkii 9/11, sida ay sheegeen laba sarkaal oo Mareykan ah.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee AP oo soo xigatay labada sarkaal oo diidey in magacyadooda la adeegsado sababo ku aadan in aan loo ogoleyn in ay la hadlaan warbaahinta, saldhigga ciidanka cirka waxaa lagu wareejiyay Ciidamada Difaaca iyo Amniga ee Afgaanistaan.

Mid ka mid ah saraakiisha ayaa sidoo kale wuxuu shaaca ka dhigay in taliyaha ugu sareeya Mareykanka ee Afghanistan Jeneraal Austin S Miller "uu wali leeyahay dhamaan awoodaha ilaalinta ciidamadda".

Markii ugu sarraysay, saldhigga diyaaradaha ee Bagram wuxuu lagu arkay in ka badan 100,000 oo askari oo Mareykan ah oo dhex maraya. Xeradan ayaa 50km (30 mayl) waxay ka xigtaa waqooyiga caasimadda dalkaas ee Kabul.

Sarkaal u hadlay Afghanistan ayaa tibaaxay in saldhiga si rasmi ah loogu wareejin doono dowladda xaflad dhici doonta maalinta Sabtida ah, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Reuters.

Ka bixitaanka saldhigga cirka ayaa ah calaamadaha ugu cad ee muujineysa in 2,500-3,500 askarta Ameerikaanka ah ay ka hayaameen Afghanistan ama ay ku dhow yihiin bixitaan dhowr bilood ka hor ballanqaadkii Madaxweyne Joe Biden ee ahaa inay baxayaan Sebtember 11.

Bartamaha bishii Abriil ayaa lagu dhawaaqay in Mareykanku uu soo afjarayo "dagaalka aan dhamaadka lhayn" lana soo baxayo askartiisa iyo kuwa gaashaanbuurta NATO oo wadar ahaan dhan 7 kun kahor bisha 4-ta bisha Luulyo xilligaas dalku u dabaaldegayo Maalinta madax-banaanida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM