Afghanistan: Taliban oo weerartay xarunta baarlammaanka ee Kabul

Image
Image

June 22, 2015 (GO)- Taliban ayaa maanta oo Isniin ah weerar qorsheysan la beegsatay xarunta baarlammaanka dalka Afghanistan ee magaalada Kabul.

Weerarka ayaa ku bilowday qarax loo adeegsaday gaari miineysan, waxaana intaas kaddib dhismaha gudaha u galay dhowr dagaalyahan oo si aad ah u hubeysan.

Rasaas ayaa ka dhacaysa gudaha xarunta baarlammaanka, waxaana goobta ku hareeraysan cidamada sida gaarka ah u tababaran iyo booliska oo iskaashanaya.

Dhammaan xildhibaannada ayaa iyagoo bed qaba goobta laga saarey, haseyeeshee waxaa weerarka ku dhaawacmay hal xildhibaan oo dumar ah.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli isla maanta qorshuhu ahaa in baarlammaanka dalkaasi codka kalsoonida u qaadaan wasiirka cusub ee gaashaan-dhigga Massoom Stanekzai.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM