Afghanistan: weerar is-miidaamin ah lala beegsaday saldhig ciidan

Image

February 17, 2015 (GO)- Ugu yaraan toban sarkaal oo booliska dalka Afghanistan ka tirsanaa ayaa ku geeriyoodey ku dhowaad toban kalena way ku dhaawacmeen weerar is-miidaamin ah oo lala beegsaday saldhig ciidan oo ku yaalla bariga dalka Afghanistan.

Af-hayeen u hadlay booliska Afghanistan ayaa sheegay in weerarkaas ay fuliyeen afar qof oo isa soo miidaamyey, isagoo intaas raaciyey in kooxda weerarka fulisey ku lebisnaayeen diriiska ciidamada islamarkaana wateen gaadiidka booliska taasoo u sahashay in ay saldhiggaas gudaha usoo galaan.

Mas'uuliyadda weerarka weli cidi ma sheegan hasyeeshee kooxda Taliban ayaa horay dalkaas uga fulisey weeraro badan oo caynkan oo kale ah.

Maraykanka iyo xulafadiisa ayaa dhimey tirada ciidamada ka jooga dalka Afghanistan iyagoo gaarsiiyey 12,500 oo u badan saraakiil ciidan kuwaasoo badi hawshoodu tahay tababarista ciidamada ammaanka ee Afghanistan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM