Aflagaado loo geystay Erdogan oo buuq ka dhalisay xeer-dejinta Turkiga

Image

ANKARA, Turkey – Buuq iyo gacan ka hadal ayaa hareeyay fadhigii shalay ee baarlamaanka dalka Turkiga kadib markii Xildhibaan mucaaradka ah uu aflagaadeeyay madaxweyne Recep Tayyib Erdogan.

Sidda laga dheehan karo muuqaal baraha bulshada ku faafay, xubno qaarkood ayaa waxa gacanta ula tegeen Engin Ozkoc.

Gacan-ka-hadalka oo sababay in ay xubnaha qaarkood is-feeraan qaar kelana isku deyaan in ay dejiyaan xaalada waxay ka dambeysay markii Ozkoc fursad loo siiyey in uu xeer-dejinta la hadlo.

Ozkoc, oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriyadda Dadka, ayaa dhaleeceeyay siyaasada Erdogan ee ku wajahan waddanka Suuriya.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa'id, wuxuu Erdogan ku tilmaamay "mid sharaf daran, khiyaanoole ah, qiimo dilan oo jaahil ah".

Si lamid ah, wuxuu ku eedeeyay in uu caruurta dadka Turkida ah uu u dirayo Suuriya si uu uga gaaro "ujeedo gaar u ah".

Mustafa Sentop, afhayeenka baarlamaanka Turkiga oo war-saxaafadeed soo saarey, ayaa cambaareeyay hadalka mudanaha.

Dacwad-oogeyaasha ayaa bilaabay baaritaan ku aabsan in hadaladaas ay ahaayeen "aflagaado ka dhan ah madaxweynaha," sidda ay warisay Anadolu oo ah wakaalada wararka u faafisa Turkiga.

Turkiga ayaa ku dhowaad 60 askari looga dilay Suuriya tan iyo markii uu bilaabay howlgalkiisa Suuriya, waxaana madaxweyne Erdogan uu ku hanjabay in ay u aargudi doonan ciidamadii "ka shahiidey".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaalka Bariga Dhexe oo cirka isku shareeray markii Mareykanka ku biiray - Warbixn

Iran ayaa sheegtay in ay tirada dhimashada ee dalkaasi ka dhacday ay kor u dhaaftay 430 qof, halka dhaawacyadu ay gaarayaan 3,500.

  • Caalamka

    23-06-2025

  • 05:49AM

Sababta Mareykanka u Weeraray Iran iyo Ajandaha Ka Dambeeya

Arrintan ayaa horseedaysa xaalad cakiran oo gobolka ah, iyadoo wadamada caalamka ay ku baaqayaan in la helo wadahadal iyo xal nabadeed.

  • Caalamka

    22-06-2025

  • 11:57AM