Al-Bashir oo ka soo safray Koofur Afrika

Image

Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa ka soo safray dalka Koofur Afrika, iyadoo maxkamad ay ku amartay inuusan bixi karin.

Al-Bashir oo ay doondooneysa Maxkamadda dembiyada caalamka ayaa waxa uu dalkaasi uga qeybgalay shirka madaxda Afrika.

Maxkamad ku taasha dalka Koofur Afrika ayaa bilowday inay dhageysato kiiska arrintaasi la xiriira. waxayna dooneysaa inay go'aan ka gaarto in Al-Bashir loo dhiibo ICC.

Madaxweyne Al-Bashir, oo dalkaasi Koofur AFrika u jooga inuu kaga qeybgalo shirka midowga Afrika, ayaa ICC waxa ay ku eedeyneysaa inuu geystay dembi dagaal.

Shalay xeer ilaaliye Maxkamadeed ayaa soosaray go’aan ah in Al-Bashir uusan ka bixi karin dalkaasi illaa dalabka ICC ay go’aan ka gaareyso.

Laakiin weriyaha BBC-da ee Johannesburg ayaa sheegeysa in qareeno dowladda matalaya la filayo inay tagaan Maxkamadda ayna ku doodaan in Al-Bashir ay tahay in loo ogolaado inuu dalkaasi dib ugu noqdo oo uu yahay qof xor ah.

Afhayeen u hadlay wasaaradda cadaaladda ee Koofur Afrika, ayaa sheegay in qareenada dowladda ay si adag ugu doodi doonaan in kiiska ka dhanka ah Al-Bashir la tuuro oo meesha laga saaro.

Xubnaha Sudan ee shirka ku sugan waxa ay go’aan ku gaareen oo ay ku adkeysanayaan in Al-Bashir uu ka bixi doono South Afrika xilligii loogu talagalay.

XIGASHO:BBC

Related Articles

Iran oo diiday xabbad-joojin ku meel gaar ah

Baqaei ayaa sheegay in Tehran ay gudbisay shuruudo ku saleysan danaha qaranka iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyeyaal.

  • Caalamka

    06-04-2026

  • 04:33PM

Giorgia Meloni iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay dhibaatada ka dhalatay xirnaanshaha Hormuz

Meloni ayaa booqashadan ku tagtay Qatar maalin Sabti ah, waana joogteeda labaad ee safar ay ku mareyso gobolka oo ka bilowday Sucuudiga.

  • Caalamka

    04-04-2026

  • 06:15PM