Amiirka Qadar oo ka degay Iiran xili ay xiisad ka jirto gobolka

Image

TEHRAN, Iran – Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, Amiirka dalka Qadar, ayaa maanta oo Axad ah ka degay Tehran, caasimadda Iiraan.

Al Thani ayaa wada hadalo la yeeshay mas'uuliyiin sar sarre oo uu kamid yahay madaxweyne Xasan Ruuxaani.

Wakaaladda wararka Qadar ayaa ku warantay in wada-xaajoodyadda diiradda lagu saarey xiriirka labadda dal iyo xaalada gobolka.

Socdaalka Al Thani ayaa kusoo aadaya iyaddoo gobolka ay ka jirto xiisad xoogan oo ka dhalatay shirqoolkii lagu dilay Qaasim Suleymaani.

Suleymaani oo lagu khaarijiyey duqeyn dhanka cirka ah oo Mareykanku ka fuliyey Baqdaad ayaa ahaa taliyaha ciidamada gaarka ee Iiraan.

Sidda laga soo xigtay warbaahinta Qadar, Al Thani ayaa ku tartarsiiyey hogaamiyeyaasha gobolka in ay is-dejiyaan "xiliyadda xasaasiga ah".

Iiraan oo qaadey talaabooyin aargudasho ah ayaa beegsatay laba kamid ah saldhigyadda Mareykanku ku leeyahay Ciraaq, wallow uusan khasaaro kasoo gaarin askari Ameerikaan ah.

Iyaddoo soo dhaweyn diiraan loo sameeyay, Al Thani ayaa noqday hogaamiyihii ugu horeeyay ee wadamada gobolka ee ka dega Iiraan tan iyo khaarijintii Suleyaamni oo Tehran muhiim u ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM