Ammaanka Afrika oo looga shirayo Dakar Senegal

Image

09 November, 2015(GO)-Qaybtii labaad ee kulanka caalamiga ah ee nabadda iyo ammaanka Afrika ayaa maanta ka fumaya magaalada Dakar ee Senegal.

Muddo laba maalmood ah ayaa madaxweyneyaal, wasiirro, iyo khubaro milateri waxay eegi doonaan qaabka ugu haboon ee loo adkayn karo ammaanka iyo deganaanshaha Afrika.

Kulanka ayaa dhacaya ayadoo dhowr dal ay yihiin masraxa dagaallada ee sannadkan.

Waxaa sidoo kale looga gol leeyahay in qaaradda ay awood u yeelato xal u helida dhibaatooyinka gudaheeda ka taagan.

Qodobada xoogga la saarayo ayaa waxaa ka mid ah la dagaallanka xagjirnimada, maareynta xiisadaha, burcad badeedda iyo muhaajiriinta sharci darrada ah.

Waxaa la filayaa in gebagabada kulanka uu kasoo baxo hannaan qaaradda u gaar ah oo lagu xoojinayo ammaanka.

Xigasho: BBC

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM