Ammaanka Afrika oo looga shirayo Dakar Senegal

Image

09 November, 2015(GO)-Qaybtii labaad ee kulanka caalamiga ah ee nabadda iyo ammaanka Afrika ayaa maanta ka fumaya magaalada Dakar ee Senegal.

Muddo laba maalmood ah ayaa madaxweyneyaal, wasiirro, iyo khubaro milateri waxay eegi doonaan qaabka ugu haboon ee loo adkayn karo ammaanka iyo deganaanshaha Afrika.

Kulanka ayaa dhacaya ayadoo dhowr dal ay yihiin masraxa dagaallada ee sannadkan.

Waxaa sidoo kale looga gol leeyahay in qaaradda ay awood u yeelato xal u helida dhibaatooyinka gudaheeda ka taagan.

Qodobada xoogga la saarayo ayaa waxaa ka mid ah la dagaallanka xagjirnimada, maareynta xiisadaha, burcad badeedda iyo muhaajiriinta sharci darrada ah.

Waxaa la filayaa in gebagabada kulanka uu kasoo baxo hannaan qaaradda u gaar ah oo lagu xoojinayo ammaanka.

Xigasho: BBC

Related Articles

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM