Andrzej Duda: Madaxweynaha Poland oo laga helay safmarka Coronavirus

Image

WARSAW, Poland – Madaxweynaha Poland, Andrzej Duda, ayaa laga helay safmarka Coronavirus, balse wuu "wanaagsan yahay," sidda uu shaaca ka qaadey Wasiirka Madaxtooyaddan dalkan dhaca Bartamaha Yurub.

Mr Duda, oo 48-sano jir ah, ayaa tijaabada maray Jimcadii waana laga helay, sidda uu Sabtida maanta ah ka dhawaajiyey wasiir Blazej Spychalski.

Hogaamiyeyaasha caalamka ee uu soo ritay fayruskan oo kala ah dhigiisa Mareykanka iyo Britain, Donald Trump iyo Boris John ayuu ku biirayaa, wallow uu kaga duwan yahay in qaarkood ay dhayal-sadeen khatartiisa.

Poland ayaa wajaheysa faafitaan baaxad leh oo la xiriira aafadan iyaddoo Jimcadii la diiwaan-geliyey in ka badan 13, 600 oo xaalado cusub ah.

Waddankan ayaa wuxuu gelayaa bandow "qad casaan ah" kaasoo iskuulada iyo maqaayadaha ay xirnaan doonan qayb kamid ah maalintii.

Wallow aan fahfaahin laga hayn qaabka Mr Duda uu ku qaadey, haddana waxay kusoo hagaageysaa markii uu Isniintii la kulmay dhigiisa Bulgeria, Rumen Radev, kaasoo isna galay karantiil, sidda xafiiska uu daaha ka rogay.

Guud ahaan caalamka, Covid-19 ayaa ku dhacay ku dhowaad 43 milyan oo ruux, iyadoo ay u geeriyoodeen 1.5 milyan kale, waxaana ka bogsaday ku dhowaad 19 milyan, sidda ku cad xog-uruurinta saxda ee hay'adda WHO.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM