Angela Merkel oo karan-tiil la geliyey markii looga shakiyey Coronavirus

Image

BERLIN, Germany – Ra'iisul Wasaaraha dalka Jarmalka, Angela Merkel, ayaa la geliyey karan-tiil ka gedaal markii dhakhtar iyadda siiyey talaal laga helay Coronavirus, sidda ay ku warantay warbaahinta.

Marwo Merkel ayaa lagu wargeliyey tijaabada dhakhtarta waxyar kadib markii ay qabatay shir jaraa'id oo ay kusoo bandhigtay talaabooyin cusub oo lagu xakameynayo faafitaanka cudurka.

Steffen Seibert, afhayeenka Angela Merkel, ayaa kadib xaqiijiyey xaalada cusub ee lasoo gudbontay haweenayda 65-sano jirta ah.

War-saxaafadeed uu soo saarey ayuu shaaca uga qaadey talaalka Jimcadii la siiyey Markel uu ku saabsanaa cudurka qaaxadda.

Isagoo hadalkiisa sii wata, afhayeenka ayaa xusay in mudada ay ku jirto karan-tiilka lagu sameynayo baaritaanka.

Kahor inta aysan gelin karan-tiilka, Markel ayaa waxay ku dhawaaqdey in la mamnuucay kulamada dadweynaha ee waddankaas.

Intii ay ku guda jirtay shirka jaraa'id, mudada xayiraadaas heerka qaran ah ayay hoosta ka xariiqdey in ay socon doonta muddo laba todobaad ah.

Sikastaba ha ahaatee, Angela Merkel ayaa ku biireysa liiska hogaamiyeyaal caan ka ah aduunka oo karan-tiil u galay fayruskaas faraha kulul ku haya dunida isla markaana dilay in ka badan 11-kun oo ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM