Aqalka Cad: ma xaqiijin karno geerida Kayla Mueller

Image

February 7, 2015 (GO)- Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa sheegay inuusan xaqiijin karin warka sheegaya in duqeyn ka dhacday magaalada Raqqa ee dalka Syria lagu diley haweeney Maraykan ah oo kooxda IS afduub ahaan u haysatey.

Warka kasoo baxay Aqalka Cad ayaa imaanaya maalin kadib markii kooxda IS shaacisay in haweeneydan oo lagu magacaabo Kayla Mueller kana shaqeyneysey arimaha samafalku ku geeriyootey duqeyn ay geysteeen diyaaradaha dagaalka ee Jordan.

Dhanka kale, Wasiirka Arimaha Dibadda ee Jordan Nasser Judeh ayaa beeniyey warka sheegaya geerida Kayla Mueller  isagoo ku tilmaamay mid la buunbuuniyey oo aan sal iyo raad toona lahayn.

Dowlada Jordan ayaa duqeymo xiriir ah la beegsatay fariisimaha kooxda IS ee Syria kadib markii kooxdaasi todobaadkii hore nolosha ku gubtey duuliye Jordan u dhashay.

Kooxda xagjirka ah ee IS ayaa afduub ahaan u haysata tobanaan qof oo u dhashay dalalka Maraykanka iyo Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiska Gaza: Guul Diblomaasiyadeed mise Bilowga Dhamaadka Netanyahu?

Arrintan ayaa khatar gelisay taageerada siyaasiyiinta xagjirka ah ee Netanyahu…

  • Caalamka

    10-10-2025

  • 06:48AM

Turkiga: Netanyahu lagama ogolaan doono inuu burburiyo heshiiska nabada Qaza

adaalladan ayaa qeyb ka ah isku dayada beesha caalamka ay wado si loo joojiyo dagaalka.

  • Caalamka

    08-10-2025

  • 04:23PM