Aqalka Cad: ma xaqiijin karno geerida Kayla Mueller

Image

February 7, 2015 (GO)- Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa sheegay inuusan xaqiijin karin warka sheegaya in duqeyn ka dhacday magaalada Raqqa ee dalka Syria lagu diley haweeney Maraykan ah oo kooxda IS afduub ahaan u haysatey.

Warka kasoo baxay Aqalka Cad ayaa imaanaya maalin kadib markii kooxda IS shaacisay in haweeneydan oo lagu magacaabo Kayla Mueller kana shaqeyneysey arimaha samafalku ku geeriyootey duqeyn ay geysteeen diyaaradaha dagaalka ee Jordan.

Dhanka kale, Wasiirka Arimaha Dibadda ee Jordan Nasser Judeh ayaa beeniyey warka sheegaya geerida Kayla Mueller  isagoo ku tilmaamay mid la buunbuuniyey oo aan sal iyo raad toona lahayn.

Dowlada Jordan ayaa duqeymo xiriir ah la beegsatay fariisimaha kooxda IS ee Syria kadib markii kooxdaasi todobaadkii hore nolosha ku gubtey duuliye Jordan u dhashay.

Kooxda xagjirka ah ee IS ayaa afduub ahaan u haysata tobanaan qof oo u dhashay dalalka Maraykanka iyo Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM