Ashraf Ghani oo si adag iskaga fogeeyay warar laga faafiyey

Image
Madaxweynihii Afghanistan ayaa kasoo muuqdey muuqaal lagu faafiyey ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga.

ABU DHABI, UAE - Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Afghanistan, Ashraf Ghani, ayaa beeniyay inuu dalka ka cararay saacado uun kadib markii la xaqiijiyay inuu magangalyo ka helay Isu-taga Imaaraadka Carabta (UAE).

Khudbad toos ah oo uu ka jeediyey Facebook ayuu Ghani mar kale ku celiyey in ay ahayd in uu ka tago Afghanistan "si looga hortago dhiig daata" iyo in laga fogaado waxa uu ugu yeeray "musiibo weyn".

Ghani ayaa cod dheer wuxuu sheegay inuu la xiriiray saraakiisha si "aan u sii wado dadaalka aan ugu jiro caddaaladda dadka reer Afgaanistaan". Balse ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Hogaamiyahan baxsadka ah ayaa sidoo kale diiday wararka la isla dhexmarayo ee ah inuu lacag badan dalka kala baxay - isagoo tibaaxay in wararkaasi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

Safiirka Afghanistan ee Tajikistan ayaa Talaadada maanta ah wuxuu ka dhawaajiyey in Ghani uu horey u qaatay ku dhawaad aduun lacageed dhan ​​$169m (£123m) markii uu baxay.

Goor sii horreysay, Imaaraadku waxay sheegeen inay ku soo dhaweeyeen Ghani iyo qoyskiisa sababo la xiriira bini’aadanimo. Balse ma aysan shaacin goobta uu kaga sugan yahay waddankaas Khaliijka dhaca.

Dhanka kale, duulimaadyadii daadgurayntu way sii socdaan. Wararka ayaa sheegaya in dadka reer Afgaanistaan ​​ay garaaceen ciidamada ilaalada Taalibaan iyagoo kusii jeeday garoonka diyaaradaha.

Aqalka Baarlamaanka UK ayaa yeeshay dood ku saabsan qalalaasaha Afghanistan. Ra'iisul wasaare Boris Johnson ayaa la kulmay dhaleeceyn badan oo uga timid mudanayaasha baarlamaanka doorka UK ee Afghanistan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM