Askar Mareykan ah oo lagu dilay toogasho ka dhacday Afghanistan

Image

Militariga Mareykanka ayaa xaqiijiyay maanta oo Axad ah, in laba askari oo Mareykan ah la dilay lix kalana la dhaawacay, ka dib markii askari Afghani ah oo la shaqeynayay uu rasaas ku furay.

Afhayeenka ciidamada Mareykanka ee dalkaasi ku sugan ayaa sheegay, in weerarkaasi uu ka dhacay xalay degmada Sherzad ee gobolka dhanka bari ku yaalla ee Nangarhar.

Guddoomiyaha gobolka bariga Afghanistan, Shah Mahmood Miakhel, ayaa u sheegay VOA, in gacan ku dhiiglaha oo xirnaa dirayska ciidamada halkaasi la dilay. Wuxuu sheegay in seddex ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Afghanistan iyo tiro askar Mareykan ah ay kamid ahaayeen kuwa ku dhaawacmay eweerarkaasi.

Dhanka kale, Qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa habeenkii xalay lala beegsaday albaabka hore ee saldhig boolis oo ku yaalla konfurta dalka Afghanistan, iyadoo qaraxa lagu dilay ilaa lix askari oo boolis ah.

Qofka weerarka qaaday ayaa adeegsaday gaari military nuuca Humvee, waxaana qaraxu uu gilgilay saldhigga degmada Gereshki ee gobolka Helmand, sida ay saraakiisha Afghanistan u sheegeen VOA.

Taliyaha booliska degmada Kareshk, Ismaaaciil Khpalwak ayaa sheegay in qaraxu ay ku dhinteen lix askari.

Afhayeenka Kooxda Taliban ayaa ku soo qoray boggiisa Twitter-ka in kooxdiisu ay qaraxaasi ka danbeysay, isaga oo sheegay in waxa uu ugu yeeray saldhigga cadawga la burburiyey lana dilay in kabadan toban askari oo afghanistaaniyiin ah.

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM