Askari toogasho ku dilay sideed kale oo saaxiibadii ahaa

Image

MOSCOW, Russia – Mas'uuliyiinta waddanka Ruushka ayaa waxay daboolka ka qaadeen in askari boolis ah uu toogasho ku dilay sideed kale oo saaxiibadii ah uuna dhaawacay ugu yaraan laba kale.

Falkan ayaa waxa uu ka dhacay saldhig milatari oo ku yaala Bariga Fog ee dalweynaha reer Yurub ee qaboobaha caanka ku ah.

Saraakiisha ayaa rumeysan in askariga khaarijinta sameeyay kaasoo la xiray ay soo food-saartay dhibaato dhanka maskaxda ah.

Toogashada ayaa maqribnimadii xiliga Russia waxaa laga soo wariyay degaanka Gorny oo aan sidaas uga fogeen magaaladda Chita.

Askariga oo aan magaciisa lasoo bandhigin ayaa waqtigaas ku qornaa ilaalida xeradda. Wuxuu ahaa askari diiwaan-gishan oo gunno leh.

Guddi gaar ah oo uu hogaaminayo Wasiir ku xigeenka Difaaca, Andrey Kartapolov, ayaa u safraya gobolka si baaritaano loogu sameeyo dhacdadan oo hadalheyn iyo su’aallo dhowr ah ka dhex-dhalisay bulshadda.

Toogashooyinka iyo rabshadaha ayaa gilgilay milatariga Ruushka sanadihii 1990-kii iyo horaantii 200-kii ka gedaal markii ay soo wajahdey dhibaato mushahar la’aan ah iyo qalbi-jab kii ugu weynaa.

Dhacdooyinka noocaan ah, hase ahaatee, waxay sanadihii u dambeeyay ahaayeen kuwa aad ugu yaraa, kadib markii horumar baaxad leh uu Ruushku ka sameeyay Ciidanka iyo qalabkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM