Astaantii u horeysay ee iska caabinta Taliban oo soo ifbaxdey

Image
Kooxda hubeysan ee la wareegtay talada Afghanistan ayaa wajahdey iska-hor-imaadkii koowaad.

KABUL, Afghanistan - Kooxo hubaysan oo reer Afgaanistaan ​​ah ayaa Jimcihii weeraray kooxda Taliban, iyagoo ka saaray falaagadan hanatay hogaanka dalkaas saddex degmo oo ku yaala woqooyiga waddankaas.

Washington Post ayaa warisay "Waa weerarkii ugu horreeyay oo lagu qaado mintidiinta Islaamiyiinta tan iyo markii ay gudaha u galeen Kabul toddobaadkii hore oo ay la wareegeen maamulka dowladda".

Taliyeyaasha maxalliga ah ee la-dagaallanka Taalibaan ayaa wareysi ku sheegay inay dileen illaa 30 ka mid ah dagaalyahannada kooxda 20-na ay qabsadeen markii ay la wareegeen degmooyinka gobolka Baghlan, oo in ka badan 100 mayl waqooyi ka xiga caasimadda.

"Xubno hore uga tirsanaan jiray ciidamada Afgaanistaan ​​ayaa dagaalka ku biirey," ayay sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka. Sawiro lagu wadaagay internet-ka ayaa muujinaya dabaaldegyo sida calanka qaranka Afgaanistaan ​​oo casaan, cagaar iyo madow ah - halkii uu ka ahaan lahaa calanka cad ee Daalibaan - waxaa laga taagay dhismayaasha dowladda.

Sediqullah Shuja, oo ah 28 -jir askari hore uga tirsanaa Afgaanistaan ​​oo ka qayb qaatay kacdoonkii Jimcihii, ayaa wuxuu yiri: "Waxaan dab ku shidnay wax taariikhi ku ah Afgaanistaan".

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray: "Dagaalyahannada Daalibaan waxay haysteen gaadiid gaashaaman, laakiin dadku waxay dhagxaan ku tuureen dagaalyahannada Daalibaan wayna ka saareen."

Weerarka Jimcihii ayaa ah astaantii ugu dambaysay ee ka soo horjeedda Daalibaan oo ka bilaabmaysa Afgaanistaan ​​laguna diidan yahay in la suro calanka Daalibaan ee cad ilaa haweenka ay ka helaan xuquuqdooda saxda ah.

Taalibaan ayaa ku fekereysa in ay dhisto dowlad cusub taasoo ay dooneyso in ay wada aqbalaan dadweynaha reer Afgaanistaan ​​ah iyo beesha caalamka, gaar ahaan deeq -bixiyeyaasha si ay uga hesho maalgelin badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shiinaha oo Trump u sheegay in arrinta Taiwan ay labada dal u horseedi karto iska horimaad hubeysan

Katrina Yu oo ah weriyaha Al Jazeera ee magaalada Beijing ayaa sheegtay in fariinta rasmiga ah ee ka timid Shiinaha ay tahay in Beijing.

  • Caalamka

    14-05-2026

  • 01:52PM

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM