Azerbaijan iyo Armenia oo isku eedeeyay jebinta xabad-joojinta

Image

WASHINGTON, US – Azerbaijan iyo Armenia ayaa midba kan kale wuxuu ku eedeeyay in uu si bareer ah ugu xadgudubay heshiiska xabad-joojinta gobolka aadka loogu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh.

Tani ayaa la sheegay in ay su'aal gelineyso qaabka heshiiska ay Raashiya soo agaasintay uu ku noqon karo mid dhaqan-galaya.

Xabad-joojinta oo kasoo baxay wadahadal 10 saac socdey oo Moscow ku dhexmaray labada dhinac waxaa hadafkiisu ahaa in ay is-weedaarsadaan maxaabiista iyo gurmad loo fidiyo dadka rayidka ah.

Balse tobban daqiiqo kadib markii heshiiska uu fulayey duhurnimadii Sabtida maanta ah, labada dhinac waxay isku eedeeyeen jabinta.

Wasaarada Difaaca Armenia ayaa ku eedeysay Azerbaijan in ay duqeysay dhisme ku yaala wadankaas, halka maleeyshiyaadka qowmiyada Armenian ee ku sugan Nagorno-Karabakh ay wariyeen in ciidamada Azeri ay kusoo qaadeen shan jeer oo weerar cusub ah shan daqiiqo kadib markii heshiiska la saxiixay.

Azerbaijan ayaa xustay "in ciidamada cadowga ee ku sugan gobolka lagu muransan yahay ay duqeeyeen dhulka dadyowga Azeri". Labada dhinac waxay si joogta ah u beeniyaan guulaha milatariga.

Sidda ku dhigan shucuuda caalamka, Nagorno-Karabakh waa loo aqoonsan yahay qayb kamid ah Azerbaijan. Balse waxaa ku nool dadyow kasoo jeeda Armenian kuwaasoo diidey xukunka Azerbaijan, waxaana ay isku maamulaan si madax-banaan tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii Midowgii Soofiyeeti.

Burburka muuqda in uu ku yimid heshiiska ay garwadeenka ka ahayd Raashiya ayaa fashil kale oo ku yimid dedaalada caalamiga ah ee daaran qaboojinta dagaalkan waxyeelada ugu badan uu kasoo gaarayo shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM