Baaritaan labo sano lagu hayay Trump oo lasoo gabagabeeyay

Image

Xeer-ilaaliyaha Mareykanka, William Barr ayaa warqad uu axaddii u diray Congress-ka ku sheegay in warbixinta Robert Mueller ee faro-gelintii uu Ruushka ku sameeyey doorashadii Mareykanka ee 2016 aysan helin wax caddeymo ah oo muujinaya in madaxweyne Trump ama qof ku xiran ay la shaqeeyeen Ruushka.

Hase yeeshee, su’aasha ku saabsan in Trump uu cadaaladda carqaladeeyey isaga oo faro-gelinaya baaritaanka, ayaa Barr waxa uu sheegay “Warbixintu ma go’aamin in madaxweynaha uu dambi galay, sidoo kalena ma bari yeelin”

Barr ayaa sii daayey nuxurka warbixintan oo la sugayey 22 bilood, taasi oo eegeysay in ololaha Trump ay Ruushka kala shaqeeyeen in doorashada la faro-geliyo si loogu eexdo Trump iyo in kale.

Barr ayaa sheegay in Ruushka ay dhowr mar kooxda Trump u yabooheen inay ka caawiyaan doorashada, balse ay diideen.

Trump ayaa soo dhoweeyey go’aanka warbixinta, hase yeeshee waxa uu yiri “Waa ceeb in dalkeena uu maro sidan, waa ceeb in madaxweyne uu maro sidan, xittaa inta aan la i dooran”

Related Articles

Geerida Professor Jason Arday oo Dhalisay Dood Ku Saabsan Hab-dhaqanka Warbaahinta Britain

Qoyskiisa ayaa ku tilmaamay nin dabacsan oo naxariis badan, mar walbana dadka wanaagooda ka eegi jiray.

  • Caalamka

    16-08-2026

  • 04:53AM

Maxkamad ku taalla Israa’iil oo hakisay qorshe xabsiga Ketziot lagu hareereynayo yaxaasyada

Xabsiga Ketziot, oo ku yaalla koonfurta Israa’iil, ayaa lagu hayaa maxaabiis Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan dad laga qabtay Marinka Gaza.

  • Caalamka

    15-08-2026

  • 02:46PM